Aan idin weydiiyee ninka badaha gala ee tahriiba ee nafta kaga baxdo iyo kan ka talaabo ee Yurub gaadha ma nidhaahnaa kaasi wuu guuleystay midna waa dhintey saas sax ma tahay? Yurub in la gaadhaa wax nafta loo bixiyo miyey tahay?

Waxaad u nooleed miyey tahay oo hadii la waayo ay tahay inaad dhimato? 

Dadka intiisa badan waxaa ka qaldan wixii loo noolaa, markii la garan waayey waxa loo noolyahay ayaa ninba meel cidlo ah ku geeriyoodey, qofba siduu meel u ordayey mid isagoo xoolo raadinayo ay naftu ka baxdey mid isagoo dad leeynaya ayey ka baxdey, tusaale qolyahaan dagaalama ee reerka u dagaalama wuxuu u heystaa reerka kale hadey dad badan ka laayaan iney guuleysteen iyagoo faraxsan ayey soo noqonaayaan oo markii la yidhaahdo maxaad soo qabateen waan jabiney reer hebel ayuu leeyahay, hadiise reer hebel aakhiro loo diro miyaa la guuleystay?

Yacni waxa la garan waayay waxa loo nool yahay, waxa wax loo baranaayaa la garan waayey, waxa loo guursanayaa la garan waayey, waxa loo joogaa la garan waayey . nin saxaabi ahaa oo la diley ayaa wuxuu yiri waan guuleystay rabiki kacbada leh baan ku dhaartaye, saxaabigaan weliba waxaa la diley dil khiyaamo ah.

Hadii ka waran aad niman u timaado oo ay marka hore wax kuu sheegaan oo aad dabadeetana wanaagooda ka talineesay oo markaad utimaadeyna mid inta xaga danbe ka maro waran ku galiyo, waxaad odhan laheydeen tol la’ayee nimanku wey ikhiyaameeyeen, laakiin saxaabigan wuxuu u arkaayey noloshu waxa uu raadinaaye inuu helay oo shahaado aheyd saas daraadeed ma eegin qolodaan khiyaameysay ee waxaa umuuqatey dhankuu usocdey wuxuu arkeyba iney dariiqii usoo gaabiyeen janada loogu socdey saas daraateed ayuu wuxuu leeyahay waan guuleystay rabigii kacbada lahaan ku dhaartaye.

Marka waxaan idiin sheegaya inaad guuleysataan iyo inaad guul dareysataan waxey ku xihan tahay hadafka aad adiga xadidatey wax loo noolaado ma yahay oo cimri loo bixiyo oo waqti loo lumiyo mise ma ahan, haduu wax qiimahaa leh yahay markaad gaadho waad guuleysatey hadii aanu aheyn waxaa qiimaha leh markaad gaadhaa ayuunbaad wixii waayeysaa ileen marka hore waxaad islaheed guul baad xaqiijineysaa laakiin marka aad dhinaca kale tagto ayeyba noloshuba ciriiri noqoneysaa.

Soo BBC kama dhageysataan dad kamid ah kuwa tahriibey oo leh hadaan sidaan moodayo Europe ma imaadeen , ileen wuxuu islahaa hadaad halkaan ka talaawdo lacag barwaaqo ayaad heleysaa, sida maanta gudaha dalka loogu dhiban yahay ayuunbaa Europe na loogu dhiban yahay waxba isma badalin. Waxaa laga yaabaa dadka badhkood iney yidhaahdaan kuwii Europe tagey sow ma ahan kuwaan gudaha daaraha iyo dabaqyada dhaadheer ka dhistey waa run , laakiin reer kiinu waxaa laga yaabaa kun qof iney ka dhooftayee imasaa daaro iyo dabaqyo soo dhistey?

Waxaa laga yaaba iney 10 soo dhisato markaa 990 ki kale ma is weydiiseen xagey ku maqan yihiin? oo kuwa gudaha jooga 10 ka mid ah miyaaney daaro iyo dabaqyo dhisan. kuwa gudaha wadanka joogaa intey daar dhisteen baa waxey ka badan tahay inta maqan intey dhisteen, waxaan uga jeedaa hadaad xitaa daaro soo dhisato soo godka geli meysid.

Nolashu waxey qiimo ku leedahay in la fahmo waxa loo nool yahay. Gaalada qaar badan oo ka mid ah maanta wey isdilaan weliba group ka is dila waxaa ugu badan dabaqada sare , dadka is dilaa waa kuwa wax heysta , wax ma heysatadu isma disho inta badan waayo waa mashquul ba . sababta ay isu dileen ayaa ah wax ey moodayeen in uu guul yahay baa markey gaadheen ayuu dhadhan iyo macno u sameyn waayey.

Tusaale nin dhakhtar ah ayuu wuxuu ilahaa markaan dhalinyarada aheyn wax baro oo dhakhtar noqo oo surgery suubi ayaan ku fikiri jirney , kadib markan wixii noqdey noloshuba waxey noqotey in lagu yidhaahdo jimcaha intaan hospitalka soo galo ilaa isniinti inaan hospital ka ku jiro oo aan waqti aad seexato iyo waxba laheyn, saacad kasta lagu toosinaayo soo kac bukaan baa la ikeenay iyo mid baa sakaraad ah maxaanu ku sameynaa, dhowr iyo sodon saacadood ayuunbaad soo fadhiyeysaa hadhoowna markaad xaafada ku noqoto waxaad noqoneysaa adigoo daalan oo aanan cunto fiican xitaa cuni karin hurdada iyo daalka ku haaya dartii.

Kadib markaan mudo wadey ayey lacagtiina dhadhan sameyn weyday oo an isweediiyey waxaan aad unooshahay waa maxey, waxaan aan soo bartey ee aan takhasus kuso noqdey ee aan kuso daaley ayuunbaa markaan gaadhey dhadhan sameyn waayey, waayo hadafkaa qaldanaa oo waxa uu unool yahay ayuusan garanin oo daal ayuunbuu kasi qaadey iyo inuu seexan waayo dabadeedna inta isaga yimid ayuu gudaha wadanka iska yimid.

Tusaale: Waxa aad isleedahay hadii aad lacag hesho aad baad wax u cuni laheyd, caloosha wax badan ma qaado si kastoo lacagta kuugu badato inta aad iminka cunto ka badan ma qaado, in ka badan hadii lagu ridana wey xanuunsataa oo dhiig kar macaan iyo chorestrol balo iyo baas oo dhan baa ku dhacaya dabadeedna waxaa lagu odhanayaa hadii aad rabto inaad noolaato waa inaad waxaa oo dhan ka yareysaaa idan maxaad ku sameyn, daashey oo naftaadi waxey ubaxdey in lacag badan la helo lacagtii badneed markii lasoo helayna wax macno ah ayey sameyn weyday xanuun badan uun bey keensatey.

Inta magaca iyo maamuska leh kamirad baa lala daba ordayaa oo luuq luuq ayey marayaan , hada hadaad madaxweyne noqoto maqaaxyaha ka shaaxeyn kari meysid xoriyadaa waad waayeysaa maxbuus sharafeed baad noqoneysaa.

Qol baad ku xidhan tahay laakiin lagu odhan maayo waa xabsiyee waa qolkii madaxtooyadaa ayaa lagu odhanayaa oo waa qol sharaf leh laakiin hadaad qolkaa kasoo baxdo waa in askari iyo banduuqyo iyo qoryo ku daba rooraan, waa xabsi waxaana lagaa xabsinayaa intaad utalineeyso intaasaad ka baqeysaa oo iska ilaalineysaa markaa xabsi sharafeed ba la yidhaahdaa. Idan bani’aadamku waxa uu amaanta moodayo ayaa xabsi isu badala wixii uu rabey inuu xaqiijiyo ayaa xabsi isu badaley oo qofki wuxuu waayey xoriyadiisii.

Markaa noloshaan aduun qiimo ma yaalo, dhibta ayaa isbadasha oo maalinba problemka aad ka fakareyso ayaa kii hore ka gadisan mushkilada nooceeda ayuunbaa isbadash. maanta waxaa laga yaabaa inay ku heysato mushkilad cuni yari ah oo aadan dhaqaale badan heysan oo aad cunto fiican ku hesho, berina cuno xumi uunbaa ku heleysa oo waxaa lagu odhanayaa kana cuni meysid, cunadi waad heysataa laakiin waa mamnuuc macaan baad qabtaa intaan cuna ah cuni meysid, dhiig kar baad qabtaa intaan dhanaan ah cuni meysid. Idan nolosha problems keedaa isbadala laakiin guul maleh tani markaad heer ka talaawdaba mushkilad cusub ayaa soo baxeysa.

 

Halkaan hoose waxaad ka helaysaa qeybtii 1aad iyo 3aad

Sidee Guusha Dhabta ah Loo Gaadhaa? – Qeybta 1aad

Sidee Guusha Dhabta ah Loo Gaadhaa? – Qeybta 3aad

Fikirkaada Waa Muhiim