Diin waxaa layiraahdaa axkaam uu Allahu Tacaalaa kusoo dajiyey anbiyadiisa dushoda si uu dadka ubaro waxii Allahu Tacaalaa raali galinayo iyo acmaasha in lala yimaadaa ay waajib tahay si loogu gaaro aduun iyo aakhiraba liibaanta diin lama yiraahdo waxyaabaha khiyaalka ah ee ay maan gaabyadu ay caqliyadoodu ay kasawireen si uu Allahu Tacaalaa raali uga noqda waxaa kuwaajib ah inuu muslimo qofkii aan musliminna waxaa lagu magac aabaa gaal.

Qofka muslimka ah waxaa laga rabaa Allahu Tacaalaa inuu rumeeyo caabudo shareecadana kuraaco qawl iyo ficilba cibaadadana uu layimaado dar Allahu Tacaalaa shareecana waxaa layiraahdaa waxii uu Allahu Tacaalaa amray iyo waxii uu reebay laguna cadeeyey quraanka kariimka ah iyo axaadiista sharafta leh laguma barto kutubta fiqiga ah shareecada oo labartana waa ku faradul cayn qof walba oo muslim ah qiritaanka iyo rumaynta erayga tawxiidka waxaa lagu tilmaamaa iimaan qofkii rumeeyana waxaa looyaqaanaa mu’min erayga tawxiidkana waa (ash’hadu an Laa ilaaha illalaah Wa ashhadu anna Muxamadan Cabduhu Warasuluhu) Micnaheeduna waa ilah mooyee cid kale oo cibaado mudan majirto rasuulkiisa muxamed ahna inuu rasuulna yahay nabina yahay axaadiistiisa oo dhana ay waxyi yihiin amarada in lasameeyaa ay wajibka yihiin waxaa layiraahdaa faral waxyaabaha la mamnuucayna waxaa layirahdaa xaaraam marka la iskudaro labadaasna waxaa layiraahdaa shareeco.

Qofkii muslimo waxaa ku waajib ah inuu barto cilmiga islamka qofki yiraahdo barashada diinta waajib mahan waa gaal qofkii gaalnimo kudhintana waa lacadaabayaa sidaas ayay quraanka iyo xadiistaba cadeeyeen qofkii islamnimada kabaxo waxaa lagu magac aabaa murtad qofkii rumeeyaa quranka iyo xadiista saxiixa ah waxaa layiraahdaa ahlu sunnah qofkii rumaysan waxa uu layimid kitaabka quranka iyo axaadiista sharafta leh ee aanan raacin culumada wadadoodii waxaa layiraahdaa mad hab laawe kuwa tafsiirka khaldan aaminsana waxaa layiraahdaa ahlu bidcah kuwa aayadaha quranka iyo axaadiista cadcad micna khaldan kusafiro waxaa lagu magacaabaa mulxid muslimba ha isumaleeyee muslim ma ahan waa gaal ahlu bidcada gaalo mahan laakin waxa lacadaabaa cadaab xanuun badan qofka isu muujiyo muslimnimo asagoon muslim ahayn micna khaldana kufasiro culumta asagoo muslimiinta khiyaamaayo zindiiq culumada ahlu sunah waxay isku khilaafeen fahanka qaybo kamid ah faraca shareecada waxayna noqdeen afarta mad hab.

1-Xanafiyah

2- Malikiyah

3-shaficiyah

4-Xanbaliyah

Afartaas mad hab xaga caaqiidada way kamidaysan yihiin lakiin waxay kukala qaybsan yihiin macalka faraca ah ee cibaadada qaarkoodna qaarka kale ayay walalo u yihiin muslimkii doonaana waxaa uu dooranayaa mad habkii uu doono asagaas ayuuna raacayaa acmaashiisa oo dhan waxaa laraacayaa mad habkiii uu doortay qaybsanaashaha ay muslimiinta qaybsan yihiina waa raxmad Allahu Tacaalaa xagiisa nooga timid maxaa yeelay waxii mad hab kuculus midkale ayay kufudud yihiin.

Kitaabka sacaadatul abadiyah waxaa kusugnaa salaadu inay tahay cimaadada midda ugu muhiimsan waxaana lagu ogaanayaa ruuxa tukada islamnimadiisa ruuxii aan tukana islamnimadiisa shaki ayaa kujiro ruuxa salaada ixtiraamayo lakin wahsi uga tagayo waa ladilayaa sida ay qabaan madhabka maalik shaafici iyo xanbali laakiin madhabka xanafi waxaa uu qabaa in laxabiso ilaa uu katukado waxaana la amrayaa inuu deg deg usoo qaleeyo waxaa kusugtaa kitaabka durul Muntaqii liculaa u diin alxaskafi iyo kitaabka raddul Muxtaar libnu caabudiin raxmatulaah caleehimaa iyo kitaabu salad oo ay faafisay maktabada xaqiiqa ee istaanbuul salaadaha afarta ah oo lagatago cudur la,aan iyo ayagoon waqtigooda lagu gudanin waa laba danbi oo waa wayn oo kala duwan waxaa waajib ku ah qof inuu salaadda soo qaleeyo waxaa kale oo waajib ku ah inuu soo xajiyo ama uu towbad keeno kugudasha la’aantii uu waqtigeeda kugudan.

Ruuxaan salada soo qalayn toobadiisa lama aqbalo waxaa kuwaajib ah intuu raatiba tukan lahaa inuu qalaha iska bixiyo maxaa yeelay qof qalo lagu leeyahay suuna lagama aqbalo axwaashaasna waxaa lagu xusay kitaabkeena (sacaadatul abadiyah) salaadii kutagto cudur daar danbi mahan laakiinse dag dag in lagu qaleeyo ayaa waajib ku ah afarta mad haba qofkii faral cudur daar kutagay lagu leeyahay ma ubanaano inuu sunooyin oogo sida uu qabo maalik xanbali iyo shaafihi xanafina waxa uu qabaa inay banana tahay axkaamtaasna ayada oo faahfaahsan waxaad kaheli kartaa (durrul Mukhtaar) iyo kitaabka (radul Muxtaar) iyo kitaabka (durrul Muntaqaa) iyo (sharxul daxdaawii) (Maraaqil Falaax) iyo (aljawhara).

[1] Ikhlaas aan camal laheyn barashadiisu faa’ ido ma leh. (Hadika) bogga 1, farqada 366 iyo 367 iyo (Mektubat) bogga 1. 36, 40, 59, aad iyo 157 aad ayaad ka fiirin kartaa.

KALİMO TENZIH (Erayo Nazahan) (Subxaanallah wabi xamdulillah, subxanallah cadiim). Erayaashan waa weyn hadii aad akhriso subaxdii iyo maqribkii boqol mar danbigaada waa la dhaafaa. Danbi kale haddii uu galo waa loo dhaafaa. Ducadan (Macnaheeda) waxaa ka helaysaa boga nambarkiisu yahay 307 iyo 308 ayey ku qorantahay. Tani waxay sababeysaa in dhibaatooyinka oo dhan ay meesha ka baxaan.

Nabigeena Muxamed (calayhı salaatu wassaalam) wuxuu yiri, (Ilaah subxanahu Watacaalaa qofkii uu jeclaado waxa baryaa diinta iyo dadka kalena waa baraa. Diinteena Islaamka waxaan ka baranaa culimadeena afkooda).

Xaqiiqada culimada ahlu suna waxaan ka baran karnaa kitaabyaashooda iyo kutubadan faafintooda waa in aan ka shaqeynaa.Cilmiga, camalka iyo ikhlaaska dadka saaxiibka la ah (Waa culimada Islaamka). Haddii sadexdaan midkood uu kaa nusqaamo waxaa noqoneysaa qof diintiisu xuntahay.

Calimka Islamka mar walba waxa ay albaabadiisa u furanyihiin sida uu ku caawini lahaa dadka. Dadka xun waxay kuu jiidaan dhanka xun waxayna saaxiib la yihiin sheydaanka.[1] Haddii aad badiso ducada danbi dhaafka waxaa kaa yaraanaayo dhibka oo dhan wuuna kaa yaraanaa.

Facebook Comments