Khulaasatu al Kalaam) Sheykh Yuusuf nabhaani “rahmatullahi caleyh” Waxa Uu Risaaladiisa Ku Sheegay Sidatan51(Waxa mahadleh illaaha hanuuniya qofkii uu doono, qofkii uu doonana dhumiya aqbala qofkii ka barya in uu kabadbaado baadi oo uu gaaro liibaan joogta ah) Nabad galyo iyo naxariis ha ahaato Nabigeena Muxamed ah sayidka nabiyada iyo kuwa dhahiran ehelkiisa iyo asxaabtiisana naxariis dushooda ha ahaato intaa ka dib tani waa risaalo aad uyar cilmigeeduna uu aad ufarabadan yahay waxa akhrista oo ka fa’iidaysta qofkasta oo caqli leh garsoorena ah, risaaladatan waxa akhrista qofkii uu Allahu Tacaalaa la doono in uu ku hanuuniyo wadada toosan ee xaqa ah, jidkaasi oo ah jidkii ay mareen kuwii loo barwaaqeeyay dushooda oo aan ladhuminin waxa aan ku magacaabay risaaladan (Khulasatu al Kalaam Fii Tarjiixi diini al islaam)

Warkii oo kooban hadaad doonaysaan inaad ka badbaadaan cadaab daa,im ah aadna liibaantaan liibaan daa,im ah arintaas hadaad kubixiso waqtigaada dhamaantiis oo awoodaada oo dhan kubixiso markaad kaligaa tahay iyo markaad socotaba oo aad cid walbo ukaalmaysato si aad u gaarto arinkaas wayn oo aad raacdo wadada aad ooga badbaadi lahayd cadaabka daa, imka ah kuna gaari lahayd nimcada aan dhamaaneyn, arintaas waxay ahaan lahayd mid aad u yar marka loofiiriyo muhiimada wayn ee aad gaartay, waxaadna lamid noqon lahayd qof hal xabo oo bacaad ah bixiyey kuna helay aduunyada boqortooyadeeda dhamaad iyo biloowba iskaba daaye arinkaas ayaa kasiiwayn xaqiiqada arinka dhab looma taaban karo laakiin caqliloow ishaaro ayaa kufilan hada waxaan kuufurayaa albaab aad uga gasho sida aad uga fakiri lahayd arinkaas muhiimka ah oo wax kamuhiimsan aysan jirin.

Waxaan kuleeyahay, waxaad ogaataa insaanka lagasoobilaabo dhalashadiisa iyo dhimashadiisa inta udhaxayso inuu kaqaalib noqonaayo jacaylka, caadooyonka ka caado dhigto mana awooda inuu dhaqankiisa katago ilaa inuu isku dhibo mooyee.Markuu dhasho waxuu jeclaadaa naas nuugidda naas kagoyntana waxaa lalamaraa dhib badan kadib waxaa uu jecladaa gurigooda, xafadooda magaaladooda iyo wadankooda inuu katagaana waa kudhib.

Markuu waynaado waxuu jeclaadaa tukaankiisa, suuqiisiisa, xirfadiisa iyo fankiisa, sidookale waxaa uu jecladaa qoyskiisa, dadkiisa qaraabadiisa, jinsiyadiisa, luuqadiisa, diintiisa uu kubarbaaray inuu faaruqa wax kamid ah kuwaasna naftiisa waa kudhib dadku waxay uqaybsamaan firqooyin iyo jamaacaad kala duwan arinkaasna waa arin cad oo aan la inkiri Karin hadaad arinakaa ogaato waxaad yaqiin ahaan u ogaanaysaa dadka dhaqamadooda jacaylka ay uqabaan iyo kudhaganaanta ay caadadooda kudhagan yihiin daliil uma aha inay caadadaas fiican tahay ee waxaa laga yaabaa caadadii oo xun qofka inuu jecel yahay wax walboo qofka uu ku barbaaro mudda badana uu kusoo dhexjiro kudhaqankeeda ha xumaadaan hase fiicnaadaane wuujeclaanayaa si uu uga fuqana way adkaanaysaa haday arinka sidaa yahay ruuxa caqliga leh waxaa kuwaajib ah inuu barbaaro diimaha oo dhan illaa ay uga cadaato midda xaqa ah oo markaa uu raaco diintaada oo baadil ah oo lagu dhaganaado waxay dhaxalsiisaa halaag abad ah baaba daa,im ah markay nafta kabaxdana qofku.

Waxaa uu kumutaystaa cadaab daa,im ah ooh al ilmilicsi oo kamid ah ay ku iloowsiinayso wax walbo oo barwaaqo aad soomartay hadaba qof walboow naftaada halaag uma rabtid ee waxaad lamid tahay qof hurda oo wax soojeeda u eg waxaadna ku sarqasantahay moogaanta khamradeedii hadaad hadaba ileedahay maxaan sameeyaa oo aan ku ogaan karaa diinta xaqqa ah aan raacee ileen naftaydii way diidantahay ilaa waxii ay kusoo barbaartay inay jeceshahay mooyaane diin walboo jirtana diinteediibaa uga macaane waxaan kugu jawaabayaa marka hore ogoow diin magaciisa waa hogaansamid waa adoonka oo u hogaansamo waxii rabigiis ujideeyey nabiyaduna usheegeen oo ah sidii dadku ay ula dhaqmi lahaayeen rabigood oo cibaada ah ama ay ula dhaqmi lahaayeen makhluuqa kale oo ay maslaxada kujirto hadaba ruux walboo caqli lahoow marka hore naftaada kadhig midaan diinba kujirin kadibna diimaha oo dhan fiir fiiri adoo garsoor kudheehan diin walbana fiiri waxa ay ka aaminsantahay rabigii abuuray iyo sifaadka Allahu Tacaalaa iyo axkaanta cibaadadiisa iyo axkaanta maqluuqaadka ee ay maslaxada ay kujirto sida dadka diintaas haysto uwada dhaqmaan Allahu Tacaalaa waxaa uu kusiiyey caqli aad kukala garato samaha iyo xumaha.

Waxii aad xumaan u aragto tuur gabi ahaanba waayo Allahu Tacaalaa diin xun masoo dajin waxii aad wanaag u aragtana dhab usii fiiri akhbaartiisana cilmi ka korarso xaaladiisa iyo qaabka uu soo ifbaxayna ogoow sifaadka nabiga diintaas loosoo dhiibayna baro sha’niga asxaabtiisa iyo umadiisa iyo kuwa diintiisa adiga kusoo gaarsiiyey baro hadii diinkaas ku cajab galiyo oo aad aragto inuu kawanaagsan yahay diintii aad kusoo barbaartay raac caqligaagana xaakim kadhigo kuna qanac diintaas hadaad kabaqayso inaad kuceeboowda khilaafka aad diintaas khilaaftay iyo tolki aad kusoo dhex barbaartay oo ay kula colay tamaan isufiiri dhibaatada kaaso gaarayso iyo dheefta aad kahelayso hadaad raacdo diinkii xaqqa ahaa dadkoo dhana ay kula colaytamaan dabadeedna aad heshe nimcadii daa’imka ahayd aadna ka badnaado cadaabkii daa’imka ahaa.

Marka loofiiriyo dhibaatada kusoo gaartay iyo dhibka aad kafakatay waxay lamid noqonaysa dhulka iyo circa oo quraanjo la dhinac dhigay dheefta aduunya ee kudhaaftay marka loofiiriyo dheefta aakhiro ee aad heli kartana waxay lamid noqonaysa adigoo aysan waligaaba wax kudhaafin nimcadaad heshay way kawayntahay samada iyo arladaba hadii aad arinkaa Allahu Tacaalaa kuwaafajiyo kuguna hanuuniyo caqlina aad leedahay iyo garasho waxaan shaki lahayn inaad raacayso diinta islamka rumaynaysidna nabigii nabiyada lagu qatimay sayidkeena muxamed caleyhı salatu wassalaam rumayntiisana waxay kadhigan tahay adoo anbiyadii iyo rusushii oo dhan rumeeyey iyo wax alla waxii ay layimaadeen oo sharci iyo diin ah shakina kuma jiro inay kugu culustahay hadii uu Allahu Tacaalaa tawfiiqada kuwaafajin waayo waxaad kusoo barbaartay nacaybka rasuulkaas suuban iyo nicitaanka diinkiisa cad ayadoo ay kujiidayso casabiyad iyo xamiyadii jaahiliyada ay kugu soo barbaariyeen ikhwaankii shiyaadiinta oo ah aabo yaasha macalinmiinta saxiibadaadii xun xumaa adeecadihii talafisiyoonkii iyo madaxdii waxaana layiri waxii yaraanta lagubartaa waxay lamid tahay dhagax wax lagu qoro in latirtiro wax dhagax lagu qorayna dhib badan ayaa lagamaraa waxayna ubaahantahay dhaqankaagii iyo diinkaagii oo aad khilaaftaa jihaad wayn o aad naftaada lagasho iyo diinta aad raacayso oo aad xujooyin cad cad u hesho hadaba aniga waxaan kugu kaalmaynayaa xujooyinkii cadcadaa ee diinka xaqqa ahaa hadaad waanada yeeleeyso warkaygana qaadanayso hadaba dhagayso waxa aan kuleeyahay qof walboow waxaad ogtahay raacitaanka diimaha laraacayo in laga leeyahay liibaan abad ah lagana badbaado ahlu naarnimo abad ah diinta Allahu Tacaalaa uu adoomadiisa kukalifay oo anbiyada iyo nabiyadiisa usoodiray meel walbo oo laga helo diinta Allahu Tacaalaa raacideeda ayaa lagu gaaraa liibaanta ladoonaayo dantuna ma ahan inuu kutacasubo diimihii uu asaga kusoo barbaaray siday doonaan ha ahaadaane rasuul walbo oo laga helo sharuudii nabinimada oo lagahelo sifooyinkii inuu Allahu Tacaalaa khalqigiisa usoo diray si uu diinta rabbi ugu cadeeyo waxaa waajib ah inaad raacdo diintiisana aad raacdo waana diintii Allahu Tacaalaa ee raacitaankeeda lagu gaari lahaa liibaan abad ah khilaafideedana lagu mudan lahaa ciqaab abad ah diintaas haday doonto haba khilaafto hawada naftaada iyo dhaqanka aabahaa iyo hooyadaa hadaba fiirii diimihii 3 da ahaa 1 diita islamka 2 diintii kiristanka 3 diintii yahuudda, hadad si garsoornima ah u fiiriso diimahaas waxaa shaki la,aan ah inaad raacayso diinta muslimka asbaaba dhawr ah darted.

1- Waxaad helaysaa axkaamta diinta islamaka ee ku taxquulda daatada Allahu Tacaalaa iyo sifaadkiisa kaamilnimo dhamaystiran iyo nasahnima dhamaystiran waxaad kaloo helaysaa axkaamta kale ee ku taxluuqda cibaadadiisana inay tahay mid sugan oo sahlan oo mushkilad iyo dhibaato. Waxaad kaloo helaysaa axkaantiisa kutaxluqda mucaalada makhluuqa inay tahay cadaalad iyo garsoor shareecadiisana ay waasac tahay waxaan shaki lahayn Allahu Tacaalaa inuu usoodajiyay khalqigiisa si ay asaga u aqoonsadaan una caabudaan diimihii kale waxay manta marayaan heer caqliga saliimka ah uu diido axkaantooda ku taxluuqda iyo sifaadkiisa oo aysan banaanayn in Allahu Tacaalaa loo loorumeeyo waxaabaha ay aaminsan yihiin waayo mabanaano Allahu Tacaalaa inuu soo dajiyo kaamilnimadiisa.

2- Sababta 2 aad waxaanu fiirinaynaa sadexii nabi ee layimid waa sayidkeenii Muxamed calayhi salatu wassalaam waxaa kahoreeyey sayidkeenii Ciise waxaa kasii horeeyey sayidkeenii muusaa hadaan akhbaartoodii iyo arinkoodii si hoose ufiirino waxay taariikhyahana isku waafiqeen sayidkeena muxamed ah inuu ahaa midkii ugu caqli badnaa iguna cilmiga badnaa uguna kulminta badnaa sifaadka fadliga uguna aqoonta badnaa umuuraha aduunka iyo akhiradaba ayadoo lala qabo inuu ahaa mid aan waxno qorin waxna akhrin kuna soo dhexkoray dad jaahil ah asaga ayaa mudan raacis ninkii asaga raacana labada nabi oo kale wuu raacay wuuna rumeeyey iyo nabiyadii kale oo dhan.

3- Sababta sadaxaad waxaad ogtahay sayidkeenii Muxamed Calayhi Salaatu Wassalaam inay isku waafaqeen taariikhyahanadii aduunka oo dhan jisiyaday doonaan halahadeene diintay donayaan ha haysteene in uu yahay midka ugu caqliga badan ugana fadliga badan uguna kulminta badan sifooyinka kaamilnimada isla markaa hadaan fiirino mucjisaadkoodii iyo daliilkii nabi nimadooda waxaan helaynaa sayidkeena muxamed ah inuu yahay midka ugu badan xaga daliilka iyo mucjisaadka uguna xooga badan xaga xujada hadii ka isugeeyo mucjisadii anbiyadii oo dhan loona fiiriyo mucjisadii nabigeena magaarayaan 10 meelood meesheed anbiyadii kale oo dham mucjisadeedii way goday laakiin qaar kamid ah mucjisadii nabigeena wali waa daa,im illaa qiyaamahana way joogaysa midda ugu wayn waa quranka waxaana kamid ah karaamaadka oowliyada umadiisa saacada qiyaamaha calaamaadkeeda hadaba nabigaas mucjisadiisa ay badan tahay xujadisana ay xoog badan tahay baa mudan in laraaco raacidiisuna waxay keenaysaa rumaynta nabiyadii oo dhan hadaan fiirino wadooyinka ay soomareen.

4- Saddexdaas diimood oo lagu ay dadka kusoo gaartay waxaanu ogaanaynaa wadada uu nagusoo gaaray hadaan muslimiintii nahay quraanka iyo diinta islama iyo mucjisaadka sayidkeena Muxamed ah iyo daliilka nabinimadiisa in ay tahay midda ugu an saxnimada badan uguna xooga badan uguna toosnaanta badan markii loo eego wadada ay yahuuda kusoo gaartay diintii nabi Muuse ama ay nasaarada ay kusoo gaartay diintii nabi ciise iyo mucjisaadkoodii arinkaas waa iska cadyahay.

Lakiin xoogaa aan kuu kordhiyee wadada ay nagu soo gaartay diinteena islaamka iyo mucjisaadka nabigeena muxamed aad ayay u fara badan tahay hota waqtiga nabigeena waa nuu dhawaa marka loo eego nabiyada kale midda kale dad badan ayaa kasoo wariyey dad badan oo lagu kalsoon yahay kutub badana waa lagu diiwaaliyey sidaas ayaa waxaa ku xasilay yaqiin ayasan yaqiini kadanbayn qof walbo oo garsoor lehna. Waxuu yaqiinsanaaa diinteena muslimka ah inay tahay diintii uu layimid sayidkeena muxamed ah kalana yimid xagga rabigeena mucjisadkiisa iyo waxyaabaha tusaalaynaayo nabinimadiisa inay u dhacday si xaqiiqa ah. Sida ay wariyeen asxaab tiisa iyo dadkii kadanbeeyey laguna qoray kutubta kuna faaftay aduunka waxay ogtahay cid walbo oo ay taariikhda xustay in nabigeena lasoo diray asgooo 40 jir ah uuna geeriyooday asgoo 63 jira ah.

Risalada rabigiis ahna uu gaasriisay ummada mudda labaatan iyo saddex sano ah intuusan dhimana ay jaziiratul carab oo dhan raacday diintiisana ar arlada ku faaftay dacwadiisana mashriq iyo maqriba ay gaartay asxaabtiisana ay noqotay wax badan 150 kun maxaa yeelay waxaa laxajiyey xajkii ugu danbeeyey 120 kun oo asxaabi xajkaas dabadiisna nabiga waxaa uu noolaa sideetan maalmood xajkaa dhexdiisa ayaa Allahu Tacaalaa waxaa kusoo dajiyey aayada dhahayso (Maantaan diinkiinii idiin dhamaystiray, waxan idinka raali ahay diinta islaamka).

Kumanaankaas faraha badane ee asxabtiisa ah dhamantood waxay ahaayen kuwa lagu yaqaan run iyo toosnaa in badan oo kamid ah waxay ahaayeen caalimiintii koonka ayagaana sooraray diintiisii iyo mucjisaadkiisiiba waxayna ukala qaaden jahooyinka aduunka kumaanku waxay gaarsiiyeen boqolaal kun waxayna kuwariyeen taariikhda iyo mucjisaadka sanad xariira ilaa nabi muxamed axaadiis tiina waxay uqaybiyeen saxiix iyo xasan iyo kuwa kale beena way kadhawreen waxay yahuudu kudhex qarisayna way ka tureen aadbayna usugeen.

Waxaa kaloo kamid ah waxyaabaha ansixinaayo wadada ay nagu soo gaartay diinta sayidkeena maxamed ah iyo mucjisaadku kalinimada waxyaabaha lagu ogaaday o ay kamid tahay kalinimada Allahu Tacaalaa iyo inuu Allahu Tacaalaa kusifoobay kaamilnimo dhamaanteed kana nasahanyahay nusqaan dhamaanteen iyo risaalada sayidkeena muxamed ah calayhi salaatu wassalaam runsheegnimadiisa aminimadiisa iyo inuu yahay sayidkii nabiyada iyo mursaliintaba mucjisaad fara badan inay kasoofuleen oo caadada khilaafsan isasoo bixinta xisaabta siraadka janada naarta salaadda faralnimadeeda duhur, casar, cishaa mid walba inuu afar rakcadood yahay subaxana laba yahay maqribkana saddex yahay soomku faral ayahay xajku uu faral ayahay naaguhu inay jirkooda baneeyaan ay xaaraam tahay liwaadka sinada iyo khamrada ay xaaraam yihiin ruux aan wayso qabin ama jinaabo qabo ama xayl qabo uusan tukan Karin axkaamtaas oo dhan.

Waxaa isku waafaqay islaamka oo dhan caalimoda iyo jaahilkoodaba wadadii ay diinta islamka nagu soo gaartay wataas nin walboo kiristaan ah ama yahuud ah hadii uu garsooraayo shaki kama galaayo inay wadada islamka ay kaxoog badan tahay wadda ay ayaga diinta kusoo gaartay waayo wadooyinkoodu malaha inta aan soo sheegnay oo dhan maxaa yeelay nabigeena iyo nabi ciise waxaa u dhaxeeyay mudda kabadan lix boqol oo sano maxaa yeelay dhalashadii nabi Ciise iyo hijiryadii nabigeena waxaa u dhaxaysay 621 sano52 mudadaasna dhulka oo dhan jahlibaa camimay marka maysan sahlanaan Karin in akhbaar saxiix ah ay soo gaarto mudadii danbe ayadoon waxbo laga badalin hadana sayidkeenii Ciisa ahaa muddadisa maysan dheerayn maxaa yeelay Allahu Tacaalaa waxaa uu samada u kor yeelay asagoo 33 sano jiro islamarkaana diintiisa maysan xoogaysan asxaab fara badana muusan lahayn waxii rumeeyey oo dhan waxay ahaayen 12 nin oo ugaarto la daciifiyo ah.

Asaguna waxaa uu ahaa mid laga adkaaday oo aysan usuura galin in risaalada ilahay nabad galyo iyo dagaan kuguto waayo yahuud ayaa ladagaalamaysay markii nabi Ciise lakoryeelay dabadeed mudda dheer ayaa kitaabkii injiil lasoo aruuriyey asgoo ruwaayado kaladuwan kusugan dad badan oo jaahilin ahna gacanta u galay xaalad layaab leh ayuuna ku yimid kitaabkii wuuna is wada khilaafay si’aad hada arkaysana qayb qayb waafiqsan maleh sidaa daraadeed madaxdoodii ayaa isu yimid waxna way kudareen waxna way kanusqaamiyeen waxyaalo ayay kitaabkii kuqoreen diinta looga baxaayo dadkiina akuwaajibiyeen inay diin kadhigtaan waxaasna nabi ciise lagama warin axad xawaariyiintiisii kamid ah lama soo warin sidaa daraadeed khilaafaad baa dhexdoodii kabatay waxayna u qaybsameen kooxo kala duwan sabin walbana kiristaanka waxay usii kala baxayaan madahiib cusub waxna way kudaraan kitaabkoda waxna wa ay katiraan mar walbo wadada uu kuugaaray diintii ciise kiristankana waa sidaas sidookale hadii aan kahadalno wadadii ay muuse kusoo gaartay diintiisa iyo mucjisaadkiisa horta hadaan ka hadalno dhinaca sanadka.

Waxaa u dhaxeeyey dhalashadii nabi muuse iyo hijiryadii nabi muxamed Calayhi salaatu wassalaam 2348 sano waxaana soomaray aduunka casriyadii jaahiliyada yahuudana Allahu Tacaalaa waxaa uu kusaladay marar fara badan cadaw aad u halaagi jiray sida bukhtu nasar oo kaqixiyey baytul maqdas una qaxiyey ardul baabil ilaa laga waayo sidii loolaynaayay wax yaqaano kitaabkii tawreed mardanbe ayaa waxa ay heleen nin layiraahdo danyeel ninkaas ayayna ka qorteen kitaabkii tawreed ahaa muddaba mudadii kadanbayso kitaabka waxaa lagu samaynayey wax kudarid iyo kadhimid ilaa baadil iyo waxaan banaanayn laga buuxiyo.

Laakiin anaga lagasoo bilaabo xiligii nabigeena (calayhi salaatu wassalaam) dadka waxaa usiyaadaayey cilmi iyo hormar jaahiliyana nama soomarin sidii umadahii hore oo kale shakina kuma sugna saddexdaan diimood haduu fiir fiiriyo cadaaladna uu yahay tawfiiqdana rabi waafajiyo inuu diinta islamka raacayo hadad doonayso nabigeena Calayhi salaatu wassalaam mucjisaadkiisa inaad ogaato iyo daliilshiisa inaad ogaato si aad u ogaatid waxa uu Allahu Tacaalaa siiyay nabiyaasha oo dhan in ay yihiin wax yar markii loo eego waxa uu Allahu Tacaalaa nabigeena siiyey maxaa yeelay waa sayidkoodii waa kii ugu danbeeyay (calayhı salaatu wassaalam) waxaad uga bogona kartaa kitaabkayga aan kumagac aabay (xujatalaahi calal caalimiina fii mucjizaatil sayidal mursaliina calayhı salaatu wasalaam) Intaas ayaan uga baxnay khulaasatul kalam kii sheikh Yusuful Nabhani.

Waxaa lagu xusay kitaabka (alqawl althabti firadi calaa dacaawi barotistaandi) wuxuu yiri sheekh (Calamee Raxmatullah)53 in lawaayay laba kitaab ee tawreed iyo injiil asalka ahaa intaan nabigeena lasoo bixin kahor kuwa hada yaalaana waa 2 kitaab oo lagu keenay riwaayado isugu jiro run iyo been mana oran karno 2 dii kitaab ayaa xiligii nabigeena soogaaray kadib ayaa taxriif lagu sameeyay maxaa yeelay tawriid iyo injiil wa kitaabadii Allahu Tacaalaa u waxyooday nabi muuse iyo nabi ciise kutubta hada ayaalo lagu sheego tawraad iyo injiil mahan tawreed iyo injiishii uu kutaabkeena quranka ah sheegay waxii uu kabeeniyo waan beeninaynaa waxii uu rumeeyana waan rumaynaynaa waxii uu ka aamusayna waan ka aamusaynaa wax sanad ah oo cadna looma helo karo injiisha 4ta ah inay tahay kalaamka Allahu Tacaalaa waxuuna yiri sheekhu anaga oo goobtii muranka joogan wadanka hindiya ayaan marar badan waxaan kadalbanay inay tixraac nookeenaan kutubtoodiina waan baarnay wax tixraac ah kaamanan helin waliba qayskii faranji la oran jiray waxaa uu ku cudur daartay goobtii doda waxuuna noosheegay inusan heli Karin wax tixraac ah masiibooyin waawayn oo ku dhacay qarniyadii hore laga soo bilaabo qarnigii masiixiyada ilaa lagasoo gaaro 313 sano ninka hiruun layiraahdo waxaa uu cadeyey badalid inuu kudhacay mujaladka 2 aad ee tafsiirkiisa culamadooda waxaa kamid ah ay cuskadaan taariikhyahan ka Muushin54 sidaas ookale ayuuna yiri kitaabkiisa taarikhda ah ee ladaabacay 1332H 1913M qaybtiisa kowaad warkadiisa 65 aad waxaa kale oo kamid ah culumadooda ay cuskadaan Laardis sidaas ookale ayuuna asagana kuyiri tafsiirkiisa qaybtiisa shanaad warqada 124, culumadooda ay cuskadaan waxa kamid ah Jayruum55 waxaa u yiri ninkaas markii aan doonay injiilka axdiga jaiidka ah inaan turjumo qaybtii agtayda taalay waxan kahelay iskhilaaf fara badan, culumda ay cuskadaan waxa kamid ah Adam Kalaark56asna waxaa uu sheegay turjimada luuqada laatiinka lagu turjimay ee uu turjimay ninka la yiraahdo jayruum inuu khilaaf badan kajiro, waxaa kale oo kamid ah culumada ay cuskadaan Waarid Kaatholik57waxaa uu kuyiri warqada toban iyo sideedaad kitabkiisa ladaabacay sanadkii 1841 sidaa daraadeed culumadoodii waxay qirtay nabi ciise inuusan waxbo qorin uussan ijiil qalin kuqorin shay qoran gabi ahaanba inuusan katagin oo kusaabsan hadaladiisa axadna uusan kukalifin inuu aruuriyo oraahyadiisii cidna uusan umiirin shareecdisii laakiin waxa ahayd sheekadiisa iyo wacyigiisa mid laga dhagaysto lakin aan laga qorin intuu joogay iyo markii lakoryeelay intaba markii lakoryeelay kadib ayaa taageerayaashiisii waxay galeen dood badan iyo dagaal badan oo ay kudifaacayaan diintooda mana aysan kufakirin inay qoraan caqidada asalka dinkooda marakaa ayaa waxaa diikooda kadhashay is khilaaf fara badan kooxa kooxa ayay ukala baxeen koox walbana injiil; gaar ah ayay samaysatay ilaa ay kagaaraan konton injiil kabadan sida laga fahmayo yurubuyiinta iyo adiib iyo qadiis shayriim iwm kadib markii nabi ciise la koryeelay kadib waxay isku wafaqeen 4 injiil.

1- Waxaa layiraahdaa Injulul Mataa waxuuna kayimid xawariyiintii 12 ka ahaa waxaana lagu qoray luuqada Suryaaniga waxaana lagu qoray dhula falastiin marii nabi ciise lakoryeelay kadib laba iyo toban sano qaybtii asalka ahaydna way luntay sida ay ayaga sheegayaana turjimidii yuunaanka ayaa hartay.

2- Waxaa weeye Injiilul Marqas,waxaana lagu faafiyey injiilkiisa luuqada yuunaaniga magalada Rooma markii nabi Ciise lakoryeelay 30 sano kadib.

3- Waa injiilul Luuqaa asaguna waxaa uu kayimid 70 kii masiixna muusan arag injiilkiisuna waxaa lagu faafiyey magaalada Askandariyah markii nabi ciise lakoryeelay kadib.

4- Waa Injiilul Yuxanaa asaguna waxaa uu kayimid xawaariyiintii laba iyo tobanka ahaa waxana lagu faafiyey injiilkiisa magaalada Afsiis luuqada yuunaaniga luuqadaaso bartay asagoo waayeel ah markii nabi ciise la koryeelay 38 ama 75 naso Kadib, hadaba afartaas injiil ninkii akhriyaa waxaa uu garanayaa inaysan ahayn injiilkii Allahu Tacaalaa xagiisa laga soodajiyey waayo waa ay isburunayan wayna iska hor imaanysaaa waxa ay shegayaan markaad aragto sida ay iskaga hor imaanayaan waxaad ogaanaysaa inay tahay hadalo iyo sheekooyin aan laga maqal nabi ciise iyo asxaabtiisa midnaba waxaa kamid ah sheekada sawirka daldalaada iyo dilka iyo madoobaashada qoraxda iyo isbadalida midabka dayaxa iyo dilaacitaanka haykalka, amuurtaan sida ay sheegayaan waxay dhacday nabi ciise kadib waxayna u dhacday dilkiisii kadib hadana hadalkiisii ayay kadhigayan.

Ninka layiraahdo Luuqaa iyo Marqas xawariyiinta kamid ma ahayn waxay Injiishooda ka wariyeen dad kale oo nabi ciise lajoogay waxayna ku qoreen dadkale wararkood sidaas darteed lama xujaysan karo. Luuqaa wuxuu ku qirtay injiishiisa bilowgeed in uu san lakulmin nabi ciise uusanna u khidmayn ee uu ka qoray kitaabkiisa wacdigii ay jeedinjiree khaadimiintii Kalimada (Masiix), kitaabkiisa mardanbe ayaa maga Injiil waxaa u bixiyay ninkii tarjumay.kitaabka (Alqowlu Al-Thabta) waxaa alifay Sayid Cabdi Qadir Al-Askandarani sanadkii 1341h-1923m wuxuuna u jawaabayay kitaabka (Al-Aqaawiil Al-Qur’aaniyah) oo uu alifay Baadariga Barotastanka xaxaana lagu daabacay maktabada Al-xaqiiqa ee istanbuul sanadkii 1990m horayna waxaa loogu faafiyay masar isagoo carabi ah.

Waxaa lagu sheegay kitaabka (Iidaaxul-Maram) ee luuqada Turkiga58 kubaxaayay waxaa uu yiri kitaabka injiil; asalkiisa waxa uu ahaa luuqada cimraaniga waxaana tirtiray yahuudii markii ay raben inay dilaan waxaana uu aha nuskha ijnil kamid ah inaan laqorin saddex sano gudahood masaaradana waxay inkiraayeen injiilkii asalka ahaa afar kitaab ee lagu magacaabo injilna lagama dhex helo hal ayad ah uu cibaado tusaalaynayso kaliya waxaa kuqoran dood u dhaxayso ayaga iyo yahuuda haday leeyihiin waxaan kucibaadaysanaynaa tawraad maxay ufartoomi layihiin amaradii muhiimka ahaa ee tawreed sida waynaynta malinka sabtida ah malmo cayiman oo lasoomo ayada oo lataagan yahay oo laducaysto doofaarka hilibkiisa oo an acunin katagitaanka arimahaas wax cadayn ah uguma sogno injiiladooda qurankeena kariimka ah waxaa ku dhexsugan cadaymo cibaadaadka dhan akhlaaqda suuban xuquuqda ganacsiga beeraha iyo xalinta mushkilaadka ruuxda iyo jasadka sugaanyahanadii gaaladu way awoodi waayeen hal aayad oo kitaabkeena lamid ah mudda kabadan 1400 sano ayagoo aad isugu dayey kariwaaga ay kariwaayeena waxaa uu daliil u yahay in uu quraanka yahay kalaamkii Allahu Tacaalaa makhluuqna uusan asagoo kale keni Karin mucjisaadkii kale ee nabiga way ka go’een ilaa quranka moyee laakin quranka xili walbo iyo meel walbo waxaa uu uga iftiimayaan sidii qoraxda oo kale waxuuna dawanayaa cudur kasta waxuuna Allahu Tacaalaa kusoo dajiyey quraankisa karimka ah xabiibkiisii suubanaa si ay adoomada ugu liibaanaan.

Allahu Tacaalaa na waxaa uu ubalan qaaday kitaabkaas inuu ka xifdinaayo wax doorin ah naxariistiisa aan dhamaanayd darteed balan qaadkaasna umuusan balan qaadin kutubadii hore quranka Allahu Tacaalaa waxaa uu kusoo dajiyey xabiibkiisa muxamed ah asagoo ugu soo dhiibay malakul jabriil waxuuna usoo dagaayay qayb qayb mudda labaatan iyo saddex sano ah waxaana aruuriyey quranka khaliifka kowaad abuu bakarul sidiiq waxuuna noqday kitaab wayn oo lagu magacaabo musxaf waxaana isku waafiqay kii nabigeeda isku waafiqay saddex boqol sodon iyo saddex kun oo asxaabi nabigeena Muxamed ah quraanka asxaabtiisa waa uu fasirtay culumadiina waxay qoreen waxay kamaqleen asxaabta suuban waxaana la alifay kumanaan kitaab tafaasiir ah caalamka oo dhan ayaana lagu baahiyey kutubta quraanka ee aduunka dhan taalo wax dhibic ah ama xaraf ah iskuma qilaafsano.

Kitaabada oo dhan waxay isku waafaqsan yihiin kali ahaanshaha Allahu Tacaalaa iyo isa sobixinka qiyaamaha waxaa uu sheegayaa taariikhyahanka layirahdo Shamsudin Saami afaandi sanadka marii uu ahaa 1316 hj waafiqsa 1898 waxa uu kuyiri kitaabkiisa Khaamusul aclaam nabiga diinta islaamka waa Muxamed Calayhi Salaatu Wassalaam aabihiin waxaa layiraahdaa cabdulaahi awoowgiina waxaana layiraahdaa cabdi mudalib binu haashim bine cabdi munaaf bine qusayb bine kilab waxuuna dhashay labaatan bishii niisaan sanadkii 571 miilaadiga oo wafaqsan habeenkii laba iyo tobnaad ee bisha rabicul awal subaxdii aroortii maalin isniin ah ayuu kudhashay makka al mukarama hooyadiina waxaa layiraahdaa amina bintu wahab binu cabdi munaaf binu suhrah binu kalab nabiga aabihii cabdulaahi waxaa uu usafray safar ganacsi xaga sham soo laabashadiisii ayuuna kugeeriyooday guriga naabiqa oo madiina daris al ah dadiisana waxay ahayd labaatan iyo shan sano jir wiilkisana muusan arag nabigeena shan sano ayaa waxaa uu joogay xalimatul sacdiya agteeda qabiilada reer binu sacdna waxay ahaayeen kuwa carabta ugu codka fasiixsan sidaa daraadeed nabigeenu kuhadli jiray luuqad midda ugu fasiixsan maruu nabigeena lix sano jiro hooyadiis amina ayaa abtiyaashiis xagooda uqaaday dhinaca madiinatul munawara halkaas ayayna ku geeriyootay.

Waxaana sooqaatay ummu ayman oo keentay makka una dhiibtay awoowgiis cabdi mudalib sanadkii sideedaad waxaa la oofsaday awoowgiis waxaana uu kusoowareegay nabiga aderkiis abuu daalib markii toban iyo laba jir ahaan aderrkii waxaa uu oola safray dhanka sham safar ganacsi sidookale asaga ooo toban iyo todoba jir ah waxa ulasafray dhinaca yeman adeerkii subayr waxuu usafray asagoo labaatan iyo shan jir ah dhinaca sham asagoo wado badeeco ay leedahay khadiijatul kubraa radiyalaahu canhaa waxaa uu nabiga can ku ahaa caqli adab dabeecad amano laba bilood kadibna waxaa uu guursaday khadiijatul kubraa afartan jir markii uu ahaana waxaa u yimid jabriil qof rumeeyana waxaa u horeeyey sayida khadiija dhinaca ragana sayid abuu bakar dhinaca caruurtana sayid cali iyo zayd ibnu caaritha alaha karaali noqdee dhamaantood dadka inuu diinta ugu yeero si guud ahaan ayaa lagu amray. Markuu jiray afartan iyo saddex sano mushrikuuntu markay aad u dhibeen ayaa Allahu Tacaalaa waxaa uu ufsaxay inuu u hijirooda madiinatul muna wanawaraha asagoo konton iyo saddex sano jir ah maalintii 8 aad ee bisha rabiicul awal ee ku aadan bisha Sebtember labatankeeda sanadka 622 miladiga malin isniin ah Khilaafadii Cumar bishii Muxaram kowdeeda (Bishii Hijriga) sanadkaan bilowgiisa ee 623 Miilaadiga sanadkaan bilowgiisa (Dagaalkii Badar) ayuu waxaa uu yimid tuulada Quba ee u dhaw madiinatul munawaraa markii jihaadka la amrayna sanadkii labaad ee hijriga waxaa dhacay duulaankii waynaa ee badar waxaana lagu laayay 950 nin oo mushrikiinta kamid ah waxaana lagu qafaashay afartan iyo afar mushrikiinta kamid ah sanadkii saddexaadna waxaa dhacay duulaankii uxud tirada mushrikiinta waxay ahaayeen saddex kun halka ay muslimiinta ka ahaayeen 700 boqol halkaa waxaa kushahiiday 75 saxaabi sanadkaas waxaa soodagay aayaadkii xijaabka naagaha sanadkii afaraadna waxaa dhacay dulaankii loyaqaanay khandaq ama axzaab sanadkii shanaadna waxaa dhacay duulaankii loo yaqaanay banii musdaliq sanadkii lixaadna waxaa dhacay duulaankii looyaqaanay khaybar isla sanadkaas waxaa dhacay beecadii ridwaan ee xudeebiyah.

Sanadkii todobaadna waxuu nabiga waraaqo udiray qayskii rooma iyo kisrihii furus asagoo islanimo ugu yeeraayo sanadkii sideedaad waxaa dhacay duulaankii mutah ee lala galay ciidamkii roomanka ee uu hoogaaminayey hiraqle waxana lafurtay makka al mukarama isla sanadkaas waxa dhacay duulaankii xunayn sanadkii sagaalaadna waxaa dhacay duulaankii tabuuka sanadkii tobnaadna nabiga waxaa uu xajiyey xajatul widaac sanadkii kow iyo tobnaadna waxa nabiga kudhacay jiradii qandhada oo haysay toban iyo saddex maalmood kadibna waxa uu kugeeriyooday gurigiisii masjidka kudhawaa maalin isniin ah bisha rabiicul awalna aytoban iyo todoba tahay cumriga nabigana waxaa uu ahaa 63 naso.

Nabiga waxaa uu ahaa nin furfuran hadal macan wajigiisa barako iyo nuur ay kamuuqato qof walbo oo arkana uu jeclaanayo dabeecad wanaagsan dul qaad badan Samir badan sayida khadiija nabiga waxay u dhashay laba wiil iyo afar gabdhood maariyatul qibdhiyah waxay u dhashay hal wiil sayida faduma ma ahane intii kale nabiga hortiisa ayaa la oofsaday halkaa waxa ku dhamaadhay kitaabkii qaamuusul aclaam.

İmaamul Qazaali waxuu kusheegayaa kitaabkiisa kiimiyaa’u asacaadah, Allahu Tacaalaa waxaa uu adoomadiisa usoo diray nabiyaal asaga oo usoo marinayo Allahu Tacaalaa adoomadiisa waxaa uu usheegay wadooyinka xun xun ee ku hoogaaminaayo masiibooyinka, Allahu Tacaalaa nabiyadiisa kii ugu khayrka badnaa uguna banbeeyey waxaa uu ahaa nabi Muxamed Calayhi Salaatu Wasalaam waxaa uu ahaa dadka oo dhan nabigooda waxaa uu ahaa aniga aduunka oo dhan waxaa uu ahaa nabiga wadamada aduunka oo dhan waxaana uu u ahaa caalamka naxariis dadkoo dhana waxaa kuwaajib ah inay raacaan oo rumyeeyaan meelkas oo ay joogaan qofkii rumeeyaa oo raacaa waxaa uu gaaray liibaanta aakhiro iyo midda aduunkaba waxaa hoogay oo ba,ay waxii aan raacin oo an rumayn waxayna leeyihiin cadaab xanuujiyo oo hoojiyo. 

Facebook Comments