Cadawtinimada ingiriiska ee islaamka u hayo.

Qofkii akhriya qoraalada jaajuusiga ingiriisiga ah ee ku cadayd qaybtii kowaad ee buugaan waxuu macluumaad dheeri ah kahelayaa fikrada ingiriiska ee kusaaabsan colaadda ay muslimiinta uqabaan waxaan kaloo ogaanaynaa sikooban qaabka ay muslimiinta dhibaatada ugu gaystaan uguna dul fuliyaan awaamiirta kasoo fushay wasaarada gumaysiga ee Ingiriiska waa dad kibir badan isla wayn naftooda u arko xurmo inay mudan tahay dadka kalana u arko inay xaqirnaan mudan yihiin.

Ingriisku dadka waxaa uu uqaybiyey saddex qaybood qaybta kowaad oo Allahu Tacaalaa abuuray ayagoo insaan ah waa Ingiriiska qaybta labaad ee reer yurub iyo Ameerkaanka midabka cad ayagana xurma ayay mudan yihiin waxii labadaas kasoo haro waxaa laga abuuray insaan iyo xayawaan waxa u dhaxeeyo, sidaas daraadeed xoriyad madax banaani wadan iyo xurmo midna ma mudna ee waxaa loo abuuray inay Ingiriiska u adeegaan.

Igiriisku lama aysan noolan jirin dadka ay gumaysanayan meel walbo oo ay gumaysanayan waxay kulahayeen goobo ugooni ah sida meelaha lagu shiro meelaha lagu ciyaaro maqaayado meelaha lagu qubaysto bakhaaro u gaar ah dawlada Ingiriiska dadka wadanka udhashayna aynsan soogali karin waxuu oranayaa qoraaga Faransiisaka ah oo layiraahdo Marsele Berniyuu kaasoo kucaan baxay safarada uu ku tagi jiray wadanka Hindiya bilowgii qarnigii labaad buugiisii u ugu magac daray Safarkaygii Hindiya.

Waxuu yiri waxan kula balamay nin caalim ah oo Hindi ah aadna looga yaqaano Yurubta oo xataa jamacadaha Yurub kagaaray jagada barafasoornimada inaan kukulano gole o gaar ah Ingiriiska Hindiya gumaysto ninkii caalimka ahaa markii uu irida yimid caalimnimadiisa iyo caanimadiisa midna uma aysan xurmayn mana aysan u ogalaan golihii shirka markii aan maqlay arintaa kuma aanan guulaysan inaan soogaliyo goobtii shirka ninkaas caalimka ah.

Waxuu yiri ninkaasi Ingiriisku waxay kula dhaqmaan dadka ay gumaystaan si’ aan loola dhaqmin xataa xayawaanka wadanka ugu wayn ee uu Ingriiska gumaysta waxaa uu ahaa wadanka Hidniya kaasoo ay kusameeyeen dhacadadii ugu xumayd ee kadhacda aduunka Gudaha magalada layiraahdo maalin maalmaha kamid ah ayaa wxaa isugu soobaxay magala layirahdo Amritsar dadka aminsan diinta Hinduuga kuwaas oo samaynayey dabaal dag diineed 1919 miladiga ayagoo wadooyinka banaan bax kusamaynayo banaan baxaas oo ay ka aminsanayeen cibaado ayaa waxaa ka hortimid naag wadaad ah oo Ingiriis ah ma aysan xurmayn naagtii kadib naagtii waxay udacwootay general Diir janaralkaas layirahdo Diir waxaa uu amar kubixiyey dadkii oo isgu tagay gurigoodii cibaadada in dab laqabadsiiyo halkaana waxaa kudhimatay 10 daqiiqo gudahood todoba qof dad kun qof kabadana way ku dhaawacmeen intaasi ugama uusan harin waxuu amar kusiiyey dadkii soo haray inay jilbaha iyo gacmaha kusocdaan mudda saddex maalmood ah sida xayawaankii.

Kadib arinkii waxaa uu gaaray Landan xukumadaiina waxay amartay in arinkaa lasoo xaqiijiyo baarayaashii markay soogaareen Hindiya si’ay uxaqiijiyaan arinkaas janaralkii waxaa lawaydiiyey sababta uu ulaayey dadkaan waxuu kujawaabay aniga ayaa dalkaan xukuma go’ana ku gaaray arinkaas kadibna waxaa lawaydiiyey maxaad dadka u amartay inay kusocdaan jilmaha iyo gacmaha waxaa uu kujawaabay qayb Hiduuga kamid ah ilaahyadooda hortooda way kuguurguurtaan waxaan markaa tusaayey haweenayda Ingiriiska ahi inaysan kasharaf yarayn ilaahyadooda oo ay waajib tahay inay garguurtaan marka ay arkaan naag Ingiriisiyad ah janaralkii waxaa loo aqoonsaday halyey markii hadaladiisaan lagu faafiyey jaraa’idka Ingiriiska waxaa la dhihi jiray janaralku [Diiraa Rakinaldi Adfaardi Haari waxuuna dhashay 1281 Hijriga oo ku aadan 1864 milaadiga waxaana uu dhintay 1346 hijriga kuna aadan 1927 miladiga waxuuna kudhintay magalada layirahdo Inkaltara taariikhda caalamkana waxaa uu galay in uu yahay janaraalkii magalada Amritsar dhiiga kudaadiyey boqortooyda Islamka ee lagu aas aasay dulmiga iyo dadlaynta iyo cadawnimada Islamka nafteeda waxay kumagac awday boqortooya aysan qorax u dhicin waxay yeelatay dawladihii Canada, Koonfur Africa, Newzealand, Fiji iyo jaziiradaha Baasifigga, Papua Tongo, Australia, the Biretish Polojistan, Burma, cadan Somalia, Borneo, Brunei, Sarawak, Hindiya, Pakistan, Bangaladesh, Malysia, Indunusia, Honkong iyo qayb kamid ah wadanka Shiinaha, Qubrus iyo wadanka Maalta 1300 ee Hijriga oo ku aadan 1882 miilaadiga waxay yeesheen Masar, Suudaan, Nayjarnajerya, Kenya Ugadha, Zanbawi, Zanbiya, Malawi, Baahaamaa, Kariinaadaa, Gauyaana, Bsutuswana, Ganbiya, Gana, Siraliyon, Tansaniya, Sakafur dawladahaas dhamaan waxay waayeen diintoodii luuqadoodii dhaqankoodii caacadoodii khayraadkoodii dabiiciga ahaana waxaa gurtay Ingiriiska qarnigii 19 aad aakhirkiisii waxay gumaysanaayeen aduunka afar meelood meel Hindiya waxay ahayd meesha laga xukuma gumaysiga.] Ingiriiska muhiimadeeduna waxay ahayd dadka Hindiya kabadnaa 3 boqol oo milyan Hindiga maanta waxay kabadan yihiin (700 malyuun) khayraadkooda dabiiciga ah ee aan dhamaanayn dagaalkii kowaad oo kaliya waxaa uu kaqaaday wadanka Ingiriiska hal milyaar oo rubbi oo cadaan ah iyo 1.5 milyan oo askar ah dhamaantoodna waxaa uu u adeegsaday burburintii dawladii Cusmaaniyada iyo hagaajintii warshadihii waawaynaa ee Ingiriiska. Ujeedooyinka ugu waaween ee uu kalahaa ingiriisku wadanka hindiya waxa ay ahaayeen labo sababood waxa uu arkay islaamku in uu si baaxad leh ugu faafayo wadanka hindya uuna si wayn ula baxaya islaamka khayraadka caalamka iyo xukunka muslimiinta oo ka hirgalay wadanka hindiya.

Sababta labaadna waxa ay ahayd ilaha dhaqaalaha ee ugu wayna Ingiriisku kuma ekeen wadanka hindiya oo kaliya waxa uu weerar ku qaday magaloyinka islaamka ee ku yaala wadooyinka soo gala wadanka hindiya waxa uu ka dhexbeeray muslimiinta fitno iyo khilaaf waxa uu kala geeyayb labada muslimiinta ah ee walaalaha waxa uu rartay dhamaan kheyraadkii iyo ilihii dhaqaalah ee wadanka hindiya. Waxa uu gacanta ku dhigay dhamaan deegaamadii islaamka waxa kale uu dabagal ku sameeyay dhaqdhaqaaqa boqortooyayda cusmaaniyiinta si qoto dheer waxa uu weeerar siyaasadeed ku qaaday cusmaaniyiinta isaga oo adeegsanaya kaartooyinka siyaasadeed si aysan gacan taageero u siin muslimiinta Hinidiya iyo in uu kala jarjaro wadank hindiya arrintaasina waxa ay ka mid ahayd siyaasadihii xumaa ee ingiriiska.

Wadankii ugu horeeyay ee reer yurub cagta soosaara wadanka Hindiya waxa uu ahaa wadanka Bortaqııska waxa ayna yimaadeen gobalka layirahdo Kalkataa sanadku marka uu ahaa 904h oo waafaqsan 1498m. Waxa ayna ku mashquuleen ganacsi waxa ayna la wareegeen ganacsiga hindiya waxaa lagu sheegay kitaabkii (kacaankii hindi’ya) iyo Sharaxiisa (Al-yawaaqiid Al-mahriyah) ee uu qoray caalimkii la oranjiray Maxamed Fadlul Xaqi Xayraabaadii oo kamid ah mashaa’ikhda ugu waa weyn.

Hindiya waxa uu yiri sheekhaasi Ingiriisku waxa uu ogalaan shiyihii ugu horeysay ka helay nin la oranjiray akbar shaah in ayka furtaan magalada Kalkataa xarumo ganacsi sanadkku marka uu ahaa 1008H oo ku beegan 1600M sidoo kale isla sanadkas boqorka layirahdo Akbar shaah nidaamka shirkada layirahda Sharqu Al Hındı Waxa shirkadaas loo ogalaaday in ay uruuriso ciidamada mutadhawiciinta ee Ingiriiska si buuxdana ay u hubayso iyo in ay qabtaan shaqada minlatari iyo ganacsiga ee wadanka Hindiya.

Akbar shaah waa nin rumaysan in aydiimaha oo dhan aysiman yihiin waxa uu isku keenay culumo kaladuwan rumaysana diimooyin kaladuwan ujeedadiisuna ay tahay in uu soo saaro diin cusub oona u dhaxaysa diimooyinka oo dhan waxa uuna uu u bixiyay magaca ah (Dıın Al Ilaahı) sanadku markuu ahaa 990h oo ku beegan 1582m waxaa yaraatay ahmiyadii loohayay culumada islaamka ee wadanka hindiya gaar ahaan qasrigii shaah waxaa korodhay jacaylka loo qabo diintii akbar shaah ingiriisku waxa uu soogalay wadanka hindiya waxaana uu dhul ka iibsaday kalakata xiligii (Shaah Al-Caalamkii koowaad)50 waxaayna keeneen ciidamo ilaaliyo dhulkaas iyaga oo ku badalanaya daaweeyntii ay daawaynayeen boqorkooda. Waxa uu u ogalaaday boqorka hindiya in ay iibsadaan dhulkii hindiya oodhan sanadku marka uu ahaa 1126h oo waa faqsan 1714m waxayna ku fideen bangaal ilaa hindiyadii dhexe iyo dhulkii raajistaan xiligii shaah {2} kaasoo carshiga qabsaday sanadkii 1174h oo kubeegan 1760m waxaa ka dhacay wadanka Hindiya fidno iyo isdhicid kadibna waxa uu gudagalay boqorka in uu maamulkiisa adkeeyo uuna soosaaro awaamiir uu ku adkeenayo amniga wadanka.

Markii loo adkeesan waayay dulmiga uu ku hayo ingiriisku wadankan hindiya waxaa dhacay kacdoono looga soo horjeedo wadanka hindiya ingiriisku waxa uu ugu jawaabay jawaab adag oona ah in ay ciidamadiisu galeen magaalada dalhi ayna boo been guryihii iyo tukaamada waxaayna goowraceen dhalinyarada, duqoowdii, dumarkii iyo caruurta ilaa uusan awoodin qofka in uu helo biyo uu cabo boqorkii (Bahaadaar shaahıı 2) in uu lasoobaxo ciidamadiisa isla markaana waxaa qiyaamay abaan duulihii ciidamadiisa waxa uuna yiri abaan duulihii ingiriisku wax danbi ah malahan waayo waxaan necbanahay kacdoonka iyo waxa abaabulayba.

Ingiriisku waxa uu bilaabay in uu laayo dadka u socda magaalada dalhi uuna suray meedakooda wadooyinkan si ay dadku u cabsadaan waxaa laga casilay xilkii boqorkii Bahaadar Shaahii labaad sanadku markuu ahaa 1275h oo ku beegan 1858m isagoo lagu tuhmayo in uu abaabulay kacdoonka iyo in uu laayay dad reer yurub ah waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.

Sanadku markuu ahaa 1294h oo ku beegan 1877m waxa uu iclaamiyay Ingiriiska intii lagu guda jiray dagaaladii cusmaaniyiinta iyo Rushka in ay Hindiya tahay doowlad raacsan boqortooyda Ingiriiska. Ingiriisku ma uu san kafurin iskoolo cusub wadanka Hindiya waxaayna xireen iskoolaadkii lagu baranayay diinta islaamka waxaayn laayeen culumadii islaamka iyo ardaydii waxaayna u yeelayaan in uu soobaxo jiil cusub oona kajaahil ah diinta Islaama sidoo kale waxa uu diiday in laqoro lana faafiyo kutubtii carabiga ku qornaa waxa ayna aas aaseen 165 iskool iyo macaahid ah 80 kamid ahna uu gaar u yahay dumarka waxaayna kadhigeen ardaydii kuwo cadaw ku ah diintii aabayaashood waxa uuna awood siiyay mubashiriinta in ay faafiyaan masiixiyada wadanka hindiya dhexdiisa waxa uu xusay Walıımıs Baraayn oo ahaa wasiirkii hore ee arimaha dibida ee wadanka Mareekanka in ay xukuumadii Ingiriisku ahayd xukuumad dulmi iyo ad adeeg badan waxa uu ku sheega dhamadka kitaabkiisa (Alsydratu al ingirıısiytu calal hindı).

Ingiriisku wuxuu sheegtay in uu hormar gaarsiiyay shacabka hindiya run ahaantii waxa uu malaayiin qof u diray qubuuraha waxaana uu u as aasay xukuumad dhacda oo burburisa shacabka hindiya xaalada muslimiinta reer hindiya waxa ay ahayd kuwo dhibaata kala kulma gumaysiga ingriiska waxa ay bilaabeen raga is kaleh warshadaha ingiriiska in ay adeegsadaan shaqaalayaal hindiya ayagoo ku badalanaya kuwa afrikaankaa waxaa laga soo rari jiray hindiya iyadoo lakeenayo koonfurta afrika kumanaan muslimiin hindiya waxaan lagu magacaabi jiray {Quuli} xaaladoona waxaay ahaayd mid aad u liidata waxaa lagu labalamay in ay shaqeeyaan shan sano oo xiriir ah uusan qofna katagi karin shaqada inta lagu guda jiro xiligaas mana guursan karo inta xiligaas waxaana lagu garaaci jiray jeedal.

Siyaasad Ingiriiska ee wadamada islaamka waxa ay ku dhisneed (Qaybi oo xukun oo baabi’I diintooda). Waxa ay aas aaseen cadawga ahlusunaha kuwo xanbaarsan magaca islaamka dhahayana jihaadku waajib ma ahan xalaaleesanaya waxyaabaha uu islaamku xarimay badalayana arkaanta diinta islaamka waxayna ku caanbexeen kooxda layiraahdo (alqaadiyaaniya) kooxdaas oo la aas aasay sanadku marka uu ahaa 1296h ku beegan 1879m waxaana aas aasyay gulaam axmad alqaadiyaani kaasoo sheega jihaadku in uusan waa jib ku aheen seefta laakiin aytahay in la isku nasteexeeyo.gulaam axmad waxa uu dhintay sanadku markuu ahaa 1326h oo kubeegan 1908m ingiriiskuna waxaay damiirkiisa ku gateen maal badan waxa uuna sheegtay in uu yahay mid diinta cusboonaysiinaya ugu dan beentiina waxa uu sheegtay in uu yaha nabi uuna layimaaday diin cusub waxa uuna yiri qofka aan irumeenin waa uu gaaloobay afkaartiisu waxaay ku faaftay Bunjaab ıyo Bombaay ayadoo lamagac baxday Axmadıya Muslimiint suniga ahi waxa ay leeyihiin jihaadku waa waajib in gaalada lagula dagaalamo hub iyo wixii lamid ah.

Ingiriisku waxa uu magacaabay dad badan oo qaadanaya awaamiirtiisa fulinaya qorshayaashiisa ilaalinaya danihiisa gaarka ah ee xaga maamulka. Dhamaadkii dagaalkii labaad waxa uu wadankaasi noqday heesihiisa wadaniga ah iyo calamadooda kuwo xor u ah laakiin xor uma aysa ahayn diintooda ingiriiskuna waxa uu aha mid kadanbeeya ilhaanooyin loogaysanaya turkiga iyo wadamada islaamka saddex qarni ee ugu danbeeysay.

Waxa ay burburiyeen doowladii cusmaaniyiinta waxaayna ka as aaseen dhulkii cusmaaniyiinta labaatan iyo saddex dawladood sababta arintaasna waxa ay ahaayd muslimiintii oo awoodi waayay in ay sameeyaan doowlad awood badan. Ingiriisku Waxa uu laayay culumadii ahlu sunada dhabta ahayd waxa uuna baabi iyay kutubtii diiniga ahayd waxa ayna soo saareen dad jaahiliin ah waxaa kamid ahaa (Jamalu-diin afgaani) waxa uu dhashay sanadkii 1254h oo kubeegan 1838m waxa uuna ku dhashay afgaanistaan waxa uu aqristay oo uu bartay kutubii Falsafada waxa uu jaajuus uga noqday doowladii ruushka wadanka afgaanistaan waxa uu usafray wadanka masar waxaa ku dhalatay fikradii aheed in uu afganbi sameeyo iyo in uu hagaajiyo diinta waxa uu lasaaxiibay muftigii masar ee la oran jiray Maxamed Cabdi Wahaab waxa yiri maxamed waa waajib in lahagaajiyo diinta waxa ayna aas aaseen koox layiraahdo Almaasuunıyıın waxa ay codsi u qoreen baariis iyo landhan in lakaalmeeyo kooxdaas. Maxamed Cabdı Wahab uu kamid yahay raga ugu caansan ee qiyaanay Jamalu-diin afgaani kaasoo doonayay in uu islaamka xaga hoose kadumiyo Maxad Cabdu waxa uu dhashay sanadkii 1265h oo kubeegan 1849m waxuuna kudhashay Daltah ee magaalada Masar waxa uuna dhintay sanadkii 1323h oo ku beegan 1905m.

Kitaabka Ibnu Taymi ee ay ku jireen qaldaadka iyo jasuuskii Ingiriiska ee Hemfer ee been abuurka ahaa (Kuwaas ayaa wahaabiyiin) lagu magacaabaa. Culimada (ahlu sunaha) ee muslimiinta, kitaabadii Ibnu Taymi ayaa lagu qorey fikrado ka duwan kuwa ay qoreen culimada kale. Kitaabadan marki la qorey, mid ka mid ah culimada somalida sheikh Cabduraxman Cabdullahi bin Muxamed Xari ayaa qorey kitaab lagu magacaabo (al maqaalato suniye fii Kashfi dalaalati ahmed ibnu Teymi).

Nafsad ahaantiisa Sheekhan waxa ku dhashay Xarar sanadka marka uu ahaa [1920M], kitaabkan waxaa lagu daabacay Beyruut [1994M], kitaabkaan Ibnu Taymi fikirkiisa ayuu radiyey, kitaabo kale oobadan ayey culimada ka qoreen. Cadawga islaamka gaar ahaan ingiriiska waxaay kadanbeeyeen dib udhaca muslimiint xaga cilmiga iyo fanka iyo horomarka intiisa kale. Sidoo kale waxay caqaladeeyen ganacsigoodii iyo warshadahoodii si ay u burburiyaan akhlaaqdoodii wanagsaneyd ayna ugu faafiyaan jirooyin sida khamriga iyo sinada. Waxay doowlada Cusmaniyada u dirtay wakhtigii u danbeeyey arday yurub si ay usoo bartaan waxna u soo faa’ideysataan waxaa la khiyaanay ardaydii qaarkood waxayna ku biireen kooxdii Maasuniyiin waxaaana la soo baray sidii ay u burburin lahayeen islaamka iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta waxaana ka mid ahaa ragaas Mustafa rashiid Baasha waxaayna u diyaariyeen kuna tarbiyeyeen cadow tinimada islaamka. Marka u dareemay suldaan Maxamuud Khaan ihaanada iyo khiyaanada maasooniyiinta waxaa u amray in la daldalo Mustafa Rashııd lakiinse waxaa u dhintay inta aan la fulin amarkaa.

Mustafa iyo kooxdiisii waxay ku soo laabteen İstaanbuul kadib markii u dhintay suldaan Maxamuud waxay ay dhibaato u geysteen muslimiinta sanadku makii uu ahaa 1255h oo ku beegan 1839m suldaan Cabdi al-Majiid Khaan waxaa u ahaa mid da’diisa ay aheeyd 18 sano khibrad uma uusan laheyn arimaha doowlada, arintaas waxaay dhib weeyn ku noqotay tariikhdii doowladii Cusmaaniyiinta sababna u nooqtay bubburitankeedii. Suldaan (mukhlıs) nın qalbıkıısa fııcan ah waxaa u la yimid kuwii jaahiliinta ahaa oo la oron jiray Maasuunıyıınta mana ogeyn kuwo burburinaya islaamka mana dareensaneyn waxayna la wareegeyn maamulkii boqortooyadii Cusmaniyiinta waxayna dileen boqorkii waxana carqaladeyen shaqooyinkii wadanka loo hayey kadibna dalkii waxaa ku biloowday afganbi is daba joog ah.

Ninkii ugu weeynaa ee ka dooday khiyaanada wadanka lagu hayo waxaa uu ahaa Alaha u anaxariistee suldaan Cabdil Xamiid Khaan labaad waxayna u bixiyeen magaca ah suldaan Al-Axmar waxaana uu ahaa Alaha u naxariistee boqortooyadii xaga dhaqalaha waxana u furay iskoolaad iyo jamacado wadankiina wa u camiray waxaana uu furay kuliyadii caafimaadka taasoo an horey loogu arag yurub waxaa kaloo u furay culuumta siyaasiga sanadkii 1293H oo ku beegan 1876. Sanadkii 1297hwaxaa u aas aasay kuliyadii xaquuqda iyo kuliyadii xisaabta sanadkii 1301h waxaa u furay iskoolkii injineerinimada e dugsiga sare waxaana u qeeyb hoose ka siiyey dumarka.

Yuhuuduna waxay doonayeen in ay sameystaan doowlad ay yuhuudu leedahay kana sameystaan dhulka ay falastiini leedahay iyagoona isku haleeynaya ilaalinta. Ingriisku ilaalinayo Suldaan Cabdil Xamiid Khaan waxaa u ogaaday arintii waxaana u amray in aan laga iibinin dhulka falastiin yuhuuda waxaana booqasho ugu yimid madax weynihii Sahnuunıyıınta, Tıyoot, Rahar Tazal, Xaa’khaam waxayna u yimaadeen suldaan Cabdı Xamııd Khaan iyagoo u bandhigaya in uu yuhuuda ka iibiyo dhulka yuhuuda waxaana uu ugu jawaabay suldaanku Alaha u naxariistee “Hadii ay aduunyado dhan ay ii timaado ayna iiso ban dhigaan hantida aduunyada kor saaran oo dhan ma anan siiyeen taako dhulka falastiiniyinta, Sababtoo ah wadankaas wa wadanka ay awoowayasheena ay ku furteen dhiigooda waxaana awoodeena ah in an ilaalino ilaa iyo maanta”.

Waxay isku waafaqeen yuhuuda iyo reer yurub sanadku markuu ahaa 1327h kuna beegan 1909m in ay ka casilaan suldaan Cabdı Xamııd madaxtinimada ayna muslimiinta uga tagaan sida agoonta oo kale. Kuwa lagu khiyaanay iskoolaadka lagu faafiyo diinta masiixiga lagana sameeyey boqortooyada dhexdeeda waxay u is tageen in ay kacdoon ku kiciyaan doowladii Cusmaniyiinta iyo in ay ku faafiyaan sirdoon kuwaaso laga soo magacabay iskoolaadka yagoo lagu magacabay macalimiin waxaana la siiyey hub iyo maalwaxayna ku fidiyeen fidmo meel kasta waxayna abuureen kooxo ka soo hor jeeda doowlada. Waxayna isku waafaqeen Ingiriisku in ay Cusmaniyiintu dhadhamin wax raaxa ah waligood ka dibna waa ay ka shaleytoodeen waayi taanka ay waayeen khilaafadii cosmaniyiinta. Intaa ka dib waxaa dhalatay dowlad isra’ili ah uuna sameyey ingiriisku wargeesyaduna waxa ay qoreen xasuuqa ay israa’iliintu u geetsanayan falastiniyiinta.

Waxaa u yiri sayid Axmed Cabdi Al-Majiid oo ahaa wasiirka arimaha dibada e masar sanadku marku ahaa 1990m “Masar waxa ay nooleyd wakhtigii ay ugu raaxada iyo xasiloonida badneyd xiligii cosmaniyiinta. Mubashiriintu waxa ay qeeybiyeen sanadku marka u ahaa 1893m ayna u qeeybiyeen Armaniyiintu, saddex milyan oo kutubka Ingiilka ah iyo afar milyan oo kutubo khaas ku ah masiixiyiinta sidaa darteed qof kasta oo Armeenı ah waxaa ku so aaday todobakutub. Rumeeynta in la rumeeyo mubashiriintu in ay maalkaas u bixiyeen u shaqeeyn ay u shaqeynayeen diintooda arinkaasi oo la rumeeyaa waa doqonimo maxaa yeelay mubashiriintu diintu waxay u aheeyd ganacsi bixinta ay bixinayaan maalka waxay ku burburinyaan islaamka xididada uga siibayaan dowladii Cusmaniyiinta iyagoo faafinayo dacaayada ah in turkigu goowracayo armaaniyiinta.

Isla sanadahaas dhexdooda muwaadiniintii Awraam waxay ku kacan sayreen doowladii Cusmaaniyiinta waxa ay kaalmo waydiisteen ciidankii awooda badnaa ee Ingiriiska kadibna waxa ayduulaan ku soo qaadeen dhulalkii muslimiinta waxa ayna laayeen kumanaan muslimiin ah oo ay ku jiraan caruur iyo dumar si arxan dari ah waxaa la cirib tiray dulmiga oona diiday sanadkuna markuu ahaa 1313h oo kubeega 1895m ciidamo ay hogaaminayso haweeney layiraahdo adham baasha guushaasina ma aysan lahayn giriiga kaliya balse ingiriisku waa uu laqabay, waayo waa uu ku booriyay saddex cunsur ee asaasiga u ah waxaay kala yihiin (Boqorka, Golaha Baarlamaanka ıyo Kanıısada)

Waxa uu ahaa golaha baarlamaan iyo qasriga madax tooyada mid ku dhex yaala kaniisada dhexdeeda sanadku markuu ahaa 918h oo ku beegan 1512m kadib gubitaankii waynaa dhacayna sanadku markuu ahaa 1512m waxa uu boqortooyada uguurtay Qasri Boojakiinkahaam golaha baarlamaanka waxa uu ku baaqinoqday kaniisada. War kasoobaxay jariirada istaanbooliya 7 maarso 1990kii waxa ay faafisay booliskii iskood laan in uu yiri landan ma aha magaalo amni ah waxayna noqotay magaalo aad uqatar badan gaar ahaan dumar hadba warbixinta ay soo gudbiyaan booliska Ingiriiska laban kii bilood ee ugu danbeeyay in ay korodhay danbiyada waaweey noocyadooda kaladuwan oona ugu sareeysa sinada gogol dhaafka ah sharciyada caalamka iyo diimaha udagsanba waxa ay tahay in uu xiriir ka dhexeen karo ninka iyo haweenada laakiinse sharciga Ingiriisku waxa uu qabaa in uu xiiriir kadhexeen karo labo rag ah. (BBC) waxa ay sheegtay in dumarka aan maxkamada aan kasoo mehersan tiradoodu waxa ay gaaraaysaa shan milyan.

Ingiriisku waa dalka ugu badan kafogaanshaha cadaalada xaga qaybinta dhulka ilaa iyo maanta 80% dhulkii ingiriiska waxa uu gacanta ugu jiraa kooxo tuuga ah oo dhulalka dhaca arintaasina waa xaqiiqo jirta. Waxaay xustay jariirad Turki laga leeyahay sanadku markuu ahaa 31/5/1992 {shilalka isdilka ah in uu ku batay ingiriiska sababa dhaqaalo awgood 100,000 oo muwaa diniin ingiriis ah waxa ay isku dayaan in ay isdilaan sanad kasta waxaa sugnaata 4500 in ay xaaladooda ku dhamaatay in ay geeryoodaan 62% waa dhalin yaro} arintaasi waxaay ahaayd taqriir ay faafisay wargees caafimaad ayagoo sooxiganaya dhaqaatiirta isbitaalka Ekisfoor.

Ayrlaan Ingiriiska waxa ay ku noqotay musiibo hadii ilaahay yiraahdo waxaan arki doonaa kudhicida ay ku dhacaan godka qiyaano ee ay u qodeen qayrkooda. Waxaan ku khatimeenaa qayta labaad ee kitaabkeena hadal uu yiri sayid Cabdi Xakiim al arwaasi “rahmatullahi caleyh” kasoo si aad ah uyaqaana hagardaamooyinka ingiriiska waxa uu yiri cadawga ugu wayn islaamka waa Ingiriis hadii aan ku shabahno islaamka geed gaalada hadii ay jaanis u hesho waa ay jarayaan geedkaa muslimiinta waxa ay u noqonayaan cadawgooda war baraaruga geedu maalin bay cagaaranaysaa oo ay miro dhalaysaa laakiin Ingiriisku ma ahan sidaas waayo geeda waa ay waraa binayaan wayna barbaarinayaan muslimiintuna geedaas waa ay jecelyihiin Allahu Tacaalaa ayaa waxa aan waydiisanaynaa in uu ka ilaaliyo islaamka iyo muslimiinta sharka iyo halaaga sidoo kale in uu ka ilaaliyo madaxda doowlada iyo culumada islaamamka iyo dhamaan muslimiinta sharta mubashiriinta hagardaamooyin Ingiriska iyo wasaqdoodalaguna ilhaamiyo kafeejinaanta qiyaanadooda iyo kafogaanta shaqadooda.

Facebook Comments