Xoghayuhu wuxuu itusay sirtii labaad ee uu ii balan qaaday ee aan aad ugu hilowsanaa kadib markii aan ladhacay sirtii 1’aad, sirta labaadna waxay kakobnayd konto waraaqood oo lagu qoray siyaasado qoto dheer oo loogu talagalay in lagaga taqluso Islaamka iyo musliminta hal qarni gudahiis ilaa uu Islamka kanoqdo sheeko markii uu ahaa xaqiiqo kadib qodobadaasna waxaa loo diyaariyey inay ku hawl galaan ragga ay udirsayso wasarada gumaysiga inay u isticmaasho arimaha Islamka waxayna kakoobnaayeen toban iyo afar qodob waxayna kadigtay wasaaradu in lafaafiyo sirtaas waxayna amar adag kubixisay in la qariyo oo aysan musliminta ogaan si aysan difaac uga galin qodobadiina waa kuwa soo socda.

1- In isbahaysi adag lala yeesho qoysaskaRuusiya si loola wareego gacan kuhaynta gobalada Islamka sida Bukhaara, Tajakistaan, Armiiniya iyo Horasaan iyo waxii laxariiro sidookale in isbahaysiga lasii adkeeyo si looqabsado wadanka Turkiga oo xaduud laleh Ruusiya.

2-Isbahaysi adag in lala yeesho Faransa iyo Ruusiyaba si loo dajiyo kaarto gudaha iyo dibadadba Islamka loogu burburiyo.

3-In laga dhex beero khilaafaad waawayn iyo colaad labada dawladood ee Turkiga iyo Iraan lagana dhex huriyo holacyo colaadeed sida kooxaysi midib takoor IWM, waana in laba shacab oo kasto ama laba qabiil oo kasta oo muslimiinta kawada tirsan ama labadii magaalo oo kasta colaad lagu dhex beero waa in labuunbuniyaa khilaafka madaahiibta Islamka lagana dhigaa mid la iskulayo.

4-Waa in qaybo kamid ah magaalooyinka Islamka gacanta loogaliyaa dad aan Islam ahayn.

  1. Waa in magalada madina munawara Yahuuda gacanta loogaliyaa.

  2. In magalada Askandaniyah gacanta loogaliyaa Kirishtaanka.

  3. In magalada Yasdalsalsershat gacanta loogaliyaa furus.

  4. Magalada Camarana saa’ib gacanta loogaliyaa.

  5. Kormanshahna lasiiyo Nasiiriyiinta Cali Binu Abii Daalib Allah uyaqaano.

  6. Musulna lasiiyo Ziidiya.

  7. Qaliijul Farisna lasiiyo Hunuudda.

  8. Tarabalisna lasiiyo Duruuz.

ı) Kaarsna lasiiyaa Calawiyiinta iyoArmaaniyiinta j) Masqadhna lasiiyo khawaariijta. Kooxahaasna waa in lagu xoojiyaa maalgalin hub kaartooyin dagaal iyo khibrada dheeraad ah si’ay u noqdaan qodax kutaagan Islamka kadibna lagu balaariyo wadanka Islamka oo dhan si’ay Islamka u burburiyan.

5-Kaarto in loodago sidii loogu qaybin lahaa labda xukumadood ee Turki iyo Iran xukumada yar yar ee iswada qilaafsan sida ay hadaba Hindiya tahay siday horay u dhihi jireen gumaystuhu {qaybi oo xukun} ama {qaybi aad burburiside}

6-In lagu dhexbeero Islaamka dhaqamo iyo madaahiib baadil ah taasina waxay ubaahan tahay fikrad hoose oo looga dhigo dadyoow kala dhaqamo duwan tusaale ahaan waxaa lagama maarmaan ah in afar diimood lagu beero deegaanka shiicada sida,

  • Dad caabudo Xuseen Binu Cali oo Allah uyaqaan inuu Xuseen ahaa
  • Kuwa caabuda Jacfarul Saadiq
  • Kuwa caabuda mahdiga lasugayo
  • Kuwa caabuda Caliyul Ridaa

Kooxda kowaad makaanka u manaasib ka ah in ladajiyo waa Karbala. Kooxda labaadna Isfashaan. Kooxda saddexaadna Samaraa Kooxda afaraadna Horaasaan. Sidoo kale waa in laga dhigaa madaahiibta afarta ah ee suniga ah diimo madax banaan oo wax xariir ah uusan kadhaxayn khilaafaad dhiig daadiyana lagu dhex beero sidookale waa in firqo cusub lagu abuuro cariga Najdi laguna dhexduugo madahibta afarta ah waxyaabo baadil ah ilaa ay koox kasta oo iyaga kamid ah ay isu aragto in ay ayaga muslimin yihiin inta kasoo hartayna ay kufaar yihiin in lala dirirana ay waajib tahay.

7-Waa in lagu faafiyo fasaad iyo dhaqamo xun xun diinta muslimka dhexdeeda sida: – zinada, liwaadka, khamriga, iyo khamaarka. Wadada ugu dhaw ee lagu gaari karana waa in la adeegsado dadkii diimaha hore haystay oo wadamadaas kusugan waa in looga helo ciidan wayn arinkaas.

8- waa in muhiimad lasiiyaa sidii loogu beeri lahaa wadamada Islamka madax xun xun iyo hoogamiyayaal dulmi badan loonadajiyo qawaaniin diidayso raacista diinta Islamka si’ay u noqdaan adeega yaasha wasaarada oo ay unoqdaan waddo aan u marno danaheeno wadamada Islamka, qawaaniintaana waa inaan xoogga saarnaa illaa ay kanoqoto raacidda shareecada Islamka danbi cibaadaduna dibdhac haday inoo suuro gasahana madax wayna aan Islam ahayn waa inaan hogaanka u dhiibnaa sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inaan Islamka dhex gaysanaa shaqsiyaad isu muujiyo sidii ahlu diin kadibna aan kudadaalno sidii ay xukunka wax uga qaban lahayen si’ay u dhaqan galiyaan danaheena.

  • Arintaas way ku guulaysteen Ingiriisku waxaan u suurtagalay in ay xilal sare ka gaarsiiyaan xugunka Cusmaaniyada xibno ka tirsan Maasooniyo sida Mustafaa Rashiid, Cali, Fu’aad, Talcat Baashaa, iyo kuwo asalkoodu yahay Yuhuud, Armeeniyiin, sidookale waxay Maasooniyo ka dhigeen culimo looga danbeeyo diinta, sida Cabdullahi Jevdeed, Musaa Kaazım iyoZiyaa Gogkalb iyo Cabduh gii Masar kuwaan waxa ay ahaayeen culimada diinta oo kale.

9- Waa in lareebaa luuqadda Carabiga intii suura gal ah lana hor mariyaa luuqadaha kale sida luuqada Faarisiga, Kurdiga iyo Baashtuuga waana in dib loosoo nooleeyaa luuqadihii asliga ahaa ee kuxirnaa ee wadamada Carabta waana in labalaariyaa lahjadaha maxaliga ahee kafarcamo luuqadaha Carabiga waayo taasaa waxay tahay tan kaliya lagu tirtiri karo luuqada fasiixa ah ee kitaabka iyo sunada lagu fahmo.

10- Waa inaan kuyeelanaa xafiisyada dawlada shaqaale ilaa heer lataliyayaal gaarsiisan si’ay noogu suura gasho inaan lataliyayaasha usiimarino hadafka wasaarada gumaystaha wadada ugu wanaagsan ee an umari karno waa adoomada marka waa inaan adooma kutaba barnaa wasaarada kadibna ku iibinaa suuqa adoomada ee muslimiinta oo an waliba ka gadnaa dadka ugu dhawdhaw madaxda Islamka sida caruurtooda xaasaskooda iyo qaraabadooda si’ay adoomadaas lasoo taba baray inyar inyar igu dhawaadaan madaxda kadibna ay noqdaan hooyooyin kii dhalay madaxdaba iyo koriyayaashoodii oo ay u hareereyaan madaxda sidii jijin gacan kujirta oo kale.

11- Balaarinta hay’adaha tabshiirka oo ladhex galiyo nooc walbo oo bulshada kamid ah gaar ahaan {muxaasibiinta, dhakhaatiirta, muhandisiinta IWM waa in laga dhisaa Kaniisado, iskoolo, isbitaalo, maktabado iyo hay’aad sama fal dhulalka Islamka dhirir iyo balacba malaayiin kutub oo Masiixiyi ah waa in lagu dhex faafiyaa wadamada Islamka looguna qaybiyaa si lacagla’aan ah waa in lagu dadaalaa taarikhda Masiixiyada sidii logarab dhigi lahaa taarikhda Islamka waa inaan ku abuuranaa jawaasiis iyo shaqaale isbitalada iyo goobaha cibaadada ayagoo kushaqaynayo magaca baadariyaal iyo soorooyin muhiimadooduna ay tahay sahlida xiriirka iyo dhaqdhaqaaqa Masiixiyada iyo ogaashaha dhaqdhaqaaqa iyo afkaarta iyo xaaladadaadka musliminta sidookale waxaa lagamamaarmaan ah nadaaminta ciidamo aqoonyahana Masiixi ah si’ay u fool xumeeyaan taarikhda Islamka uguna dhex beeraan kutubta Islamka waxyaabo baadil ah markay sifiican ubartaan kadib.

12-Inlakibriyo dhalinyarada musliminta gabdho iyo wiilalba laagana shaki galiyo diintoda akhlaaqdoodana laga fasahaadiyo dhinaca iskoolaadka buugaagta [goobaha kubadda lagu ciyaaro iyo shaleemooyinka] loona sameeyo saaxiibo aanan muslimiin ahayn oo u diyaariyo arinkaas waxaa kaloo lagama maarmaan ah hay’ado dhalinyaro oo sirdoon u ah Yahuudda iyo Masiixiyada oo lasameeyo si loogu ugaarsado dhalinyada musliminta wada walbo.

13- Waa in laga huriyaa dagaalo iyo kacdoono gudaha iyo guryaha musliminta iyo xaduudaha muslinta iyo gobolada musliminta dhexdoonada waa in laga sameeyaa dagaalo aan waligood dhamaan si’ay ubaaba’do awooda muslimka ugana gaabiyaan kufakirka horumarka iyo midnimada sidookalana hoos u dhac uu kuyimado dhaqaalahooda dhalinyarada iyo dadka firfircoona ay u baaba’ aan fawda iyo kala danbayn la’aana ugu baahdo.

14- Waa in la bur buriyaa ilaha daqaalaha oo musliminta oo dhan sida beeraha iyo maciishada, biya xireenadana waa in laburburiyaa wabiyadana waa in la tir tiraa shaqo la’aan iyo baaga muudo Islamka dhexdiisa waa in lagu baahiyaa salaadaha oogistoodana laga cayriyaa loona sameeyaa goobo fiidsi iyo fadhi kudirir cabidda khamrigana dhaqan looga dhigaa, qodobadaan waxay ahaayeen kuwa lafaahfaahiyey [sifiican sida sawiro muuqaalo ayey ku sharxeen. Afar iyo tobankaan waxyaalood waxa bur buriyey dawladii Cusmaaniyiinta. Dawladihii la soo dhisey mamulo cusub ayaa loo magacaabay.Kuwan waxa ay ahayeen gumeysigii kuwa uu ukala qeybiyey afar iyo toba qeybood].

Xoghayihii wasaarada waan uga mahad celiyay inuu koobi igasiiyey qoraalkii waxaana kusii nagaaday magalada Landan mudda bil ah kadibna waxaa ii yimid amar kasoobaxay wasarada oo la igu amrayo inaan aado dhinaca Ciraq markale si’aan ugasoo dhamaystiro hawsha Muxamed Cabdul Wahaab Al Najdi, xoghayuhuna waxaa uu i amray inaanan kuxad gudbin xaqiisa wax yarna maxaayeelay cadayma badan oo u kahelay jaajuusyadii kale ayaa waxay cadaynaysay sheekhu inuu yahay shaqsi doqon ah oo aad ugu haboon in loo adeegsado fulinta arimaha wasaradda kadibna waxaa uu igu yiri xoghayihii sheekha si cad ula hadal waayo caamilkeeni Asfahaan joogay aya sifiican ula hadlay una sobandhiagay sirtii waana uu aqbalay sheekhii laakiin waxaa shardi kadhigay in laga qariyo arinta xukuumadaha iyo culumada ay suuragal katahay inay soo weeraraan markay ogaadaan afkaartiisa iyo in maal galin kufilan iyo hub lasiiyo iyo inaan uyeelno maamul hooseed yar ugana samayno agagaarka Najdi wasaaraduna way ka aqbashay arimahaas oo dhan xaqiiqadii markii la ii sheegay arinkaas waxaan kusigtay inaan haragayga ka dhexbaxo kadibna xoghaya waxaan ku iri hadaba xageen hawsha kabilaabaa maxaan u diraa sheekha shaqadaydase hada maxay tahay xoghayaha waxaa uu igu yiri wasaarada waxay diyaarisay qodobo si sheekhu ufiiriyo qodobadina wa sidan soosocoto.

[48] Sanam waxaa layraahdaa saqsi ama haykal lacaabudo oo loo sajuudo muslimiintu macaabudaan kacbada ee way u jeedsadaan marka ay Alle caabudayaan waxayna akhriyaan faatixada oo oranaysa (Eebow Adiga Oo Qura Baan Ku Caabudayaa Adiga Kaliya Ayaa Kaalmo Ku Waydiisaanyaa)

1- Gaalaysiinta musliminta oo dhan iyo banaynta dhiigooda, maalkooda,sharafkooda iyo qafaalashadooda oo ayna banaantahay in la adoonsado ragga iyo dumarkaba.

2- Kacbada in ladumiyo ayadoo lagu sheegayo in ay sanamtahay48 hadii ay suurowdo dadkana laga celiyo xajka wadooyinkana loo dhigo burcad qabiileed dadka xajka u socda si’ay ulaayaan maalkoodana uboobaan.

3- In laga shaqeeyo sidii jabhada loogu kicin lahaa khaliifka Islamka dadkana looga horkeeni lahaa arinkaasna, waa in loodiyaariyaa ciidama sidookale waxaa lagama maarmaan ah in lagula dagaalamo asharaafta Xijaaz si kasta oo suura gal ah awoodoodana la baabi’iyo.

4- Qubadaha iyo qubuurahana laburburiyo iyo meelkasta oo musliminta ay waynayyaan oo kutaalo Mako iyo Madiino ama magaalooyin kale ayadoo ladhahaayo waa sanamyo iyo shirki waa in lafududaysto shaqsiyada nabi Muxamed iyo Khulafadiisa iyo afarta iimaan ee madaahiibta.

5-Waa in fawdo iyo argagaxiso lagu dhex abuuro wadamada Islamka.

6- Waa in lafaafiyaa kutubbo qur’aan ah oo wax lagu daro waxna laga nusqaamiyo sida axaadiistaba layeelay.49 Xoghayuhu waxaa uu igu yiri markii u iicadeeyey barnaamijkan kadib yuusan ku argagax galin barnaamijkaan wayn maxaa yeelay anaga waajibaadkeenu waa beerista abuur baabi’yo Islamka waxaana dhamaystiri doono jiilalka soosocda waayo Muxamed kii nabiga ahaaba waxaa uu ahaa hal nin oo kaliya waxuuna kusameeyay caalamka isbadal wayn Muxamed Cabdi Wahabka reer Najdina aan kadhigno sidii Muxamed kii nabigiisa ahaa oo kale hana kusameeyo caalamka isbadalka aan doonayno, maalmo kadib waxaan kafasax qaatay wasiirkii iyo xoghayihiisii waxaana macsalameyey ehelkaygii iyo asxaabtaydii markii aan dhaqaaqay anoo siibaxaya canugaygii yaraa waxaa uu yiri ‘baabaa dagdag igu soolaabo markaas ayaa labadii indhood illin soodhaaftay ilintaasna waan kaqarin waayay xataa xaaskaygii markaasay isku kayduubtay xaaskaygii ay idhunkatay dhunkashooyin kulul ama aan dhunkaday waana baxay anigoo qasadkaygu yahay dhinaca Basra daal iyo haraad badan kadib goor habeenimo ah ayan gaaray Basra waxana ku dagay guriga Cabdi Ridaa wuu hirday markuu i arkay waxuu iisoo dhaweeyay soodhawayn kulul habeenkii meeshaas ayan seexday waaga markuu baryay waxaa uu ii sheegay Cabdi Ridaa inu katagay Shekh Cabdi Wahaab Basra waxana uu igu dhiibay waraaq kadib markaan akhriyay waraaqdii waxaan ogaaday Sheekha inuu aaday Najdi waxana uu isiiyay ciwanka iyo meesha laga heli karo subaxdiina waan dhaqaajiyay aniga oo u jahaystay dhanka Najdi daal dheer kadib waxaan gaaray Najdi waxana utagay Sheekh Muxamed Cabdi Wahaab oo jooga gurigiisa islamarkaana ay kamuuqato diif aad u daran waxna uma anan sheegin wax yar kadib waxaa ii cadaatay Sheekhu inuu naag guursaday daciifnimaduna ay keentay arinkaasi guurka.

Waxaana kula taliyay inuu furo naagtaasi waana uu iga aqbalay waxan aniga iyo asaga go’aan ku gaarnay dadka inaan ogu sheekayno inaan ahay adoon uu Sheekhu suuqa Basra kasoo gatay oo safar uga maqnaa oo hada soolaabtay sidaas ayana la ii bartay waxaana Sheekha lajoogay mudda laba sano ah waxaana diyaarinay qaabkii dacwada loosoo ban dhigi lahaa taariikhdu markay ahayd 1143 hijriga oo wafiqsan 1730 miladiga waxaa xoogaystay go’aankii waxuuna helay xoogaa taageero ah dacwadiina inyar inay ayay isoo if baxday aniguna waxaan lagarab taagnaa taageero nafeed iyo mid maalba ragna waan usameeyay markasta oo ay dacwada siyaadana cadawga Sheekha waa uu sii siyaadaayay ilaa u ku hamiyo Sheekhu inuu isagalaabta dacwada laakiinse aniga aya kucelcelinayay waxana ku oranayey nabi Muxamedba waxan wax kadaran ayuu lakulmaayay tanina waa wadadii sharafta nin walbo o wanag wadana waa in uu lakulmo dhibaato sidaas ayan aniga iyo sheekha ugu jirnay halgan iyo dagaal waxaana usameeyay Sheekha jawaasiis uga soowaranta cadawga oo an mishaar siiyo marwalbo oo uu cadawga iskudayo inuu kacdoon sameeyana waxaa nooga soowarama jawaasiista malin malmaha kamid aha aya waxan ogaanay in Sheekha shirqool ay kudili rabaan cadawga waana an fashilinay Sheekhu waxaa uu ii balan qaaday inuu fulinaayo kaartada (lix geesoodka ah) lakiin waxuu iyiri hadda waxa badan inooma suura galayaan waxuu Sheekhu aad uga diday duminta Kacbada iyo samaynta qur’aan waxna laga dhimo waxna lagu daro waxuuna yiri hadii nalagu maqlo labasdaas arimood waxaa nalagu sookicinayaa ciidamo aanan wadood uhaynin waxuuna Sheekhu aad uga baqaayay asharaafta Maka iyo xukumadda Istanbuul waana ka aqbalay cudur daarkaas waayo wax awood ciidan ah nooma diyaarsanayn sanadyo kadib waxaa usuuragashay wasaarada inay noosoo xero galiso Muxamed Binu Sacuud oo ahaa amiirkii Darciyee waxayna iisoo direen akhbaar kusaabsan.

Muxamed Binu Sacuud waxayna wasaaradu igu maratay inay labada Muxamed midna diinta hoogaamiyo midna dawlada Muxamed Cabdi Wahaab, waxa loodoortay hoogaanka diinta Muxamed Binu Sacuudna dawladnimada si’ay ula wareegan dadka oo dhan qalbi iyo qaalaba waayo taarikhada waxay sugtay xukumadii diini ah inay daa’imi ogtahay lagana baqo lagana danbeeyo sidaas ayan kuxoogaysanay Darciyana waxan kadhiganay caasimadii dawladeena Wahaabiyana waxaan kadhiganay diinkeenii cusbaa wasaaraduna waxay ahayd mid siisa xukumadeena cusub maal galin kufilan oo qarsoodi ah xukumaduna waxay soo iibsatay adooma lagu soo tababaray wasaarada sifiicana uyaqaano Carabiga loona tababaray kudagaalamidda dhulka lama dagaanka ah. Waxana kakoobnayn aniga iyo adoomada kow iyo toban qof keena waxaan dajinaynay kaartooyinka ay kushaqaynayaan labada Muxamed dhamanteena waxaan guursanay gabdha qaraabadooda ah waxana layaabay haweenka muslimka ah sida ay ragooda utixgaliyaan sidaas ayaa xiriirkeenii isu dhexgalay wuuna sii siyaadaayay marba mrka kadanbayso arintiina marba marka kadanbayso way sii siyaadaysay markazkiina wuusii xoogaysanayaa maalinba maalinta kadanbayso, hadaysan masiibo wayn dhicin anagu abuur usuubada inuu siyaado illaa miraha laga gaaro waan abuurnay.

Baraarujin

Qofkii akhriya kitabkan oo micnihiisa dhuuxa waxaa uu ogaanayaa Ingiriisku inuu yahay midka ugu daran cadawyada Islamka sidoo kale waxaa uu ogaanayaa wahaabiyada weerarta suniyiinta caalamka inuu aas aasay Ingiriisku oo uu barbaariyey xataa kuwa cilmigi iyo caqliga leh oo wahaabiyada kamid ah naftoodu way kadidaa cadaawadda iyo xumaanta uu Ingiriisku musliminta uqabo. Kitaabkan waxa uu si xaqiiqa ah usugayaa Ingirisku inuu aas asay wahaabiyada si uu islamka ugudumiyo waxaana aragnaa kuwa aan madhabka an lahayn inay isku dayayaan faafinta wahaabiyada kitaabkan waxaa inkira qaar kamid ah wahaabiyada waxayna kusheegaan qoraalada jaajusnimada Hanfari inay tahay mid khiyaali ah oo aan xaqiiqa ahayn lakiin umaysan sheegin waxa daliilah inkirkooda hasa yeeshee caalimka wayn ee layiraahdo Xabiib Calawi Binu Axmed Binu Xasan Binu Xabiib Cabduliahi Binu Calawi Alxadaad, ayaa waxuu alifay kitaab uu kusugayo daliillo cadcad oo kuwsaabsan xaqiijinta warka Hanfari waxuuna kumagac aabay kitaabkaas (Misbaaxul anaam) Calal Kitaabaatil Xaqiiqati Addaliilati la yıdhaa Muxamed Binu Cabdul Wahaab Camiilil Ingiriis Alladii Acadahaa Macal Jaasuus Hanfari kitaabkaana waxaa ladiyaariyey sanadkii 1216’dii hijriga oo ku aadan 1801 milaadiga waxaana ladaabacay sanadkii markuu ahaa 1416 hijrada kuna aadan 1995 milaadiga waxana daabacay mabdacada Daarul Nashril Xaqiiqiyati ee kutaal magalada Istaanbul ee dalka Turkiga, caalamka oo dhana waa loo qaybiyey Ingiriisku mar walbo oo uu isku dayo duminta Islamka ma awoodo inuu tirtiro muslimiinta xaqiiqada ah ee Ahlu sunna waljamacah lakin ayaga naftooda tirtirayoxaqa keenay balan qaadayna badbaadintiisa.

Facebook Comments